Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Cadaalladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin ayaa sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray dagaalka muddada sanadka ah socda ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, isagoo caddeeyay in Khawaarijtu ay lumisay deegaanno badan oo ay gacanta ku hayeen.
Sidoo kale, Wasiir Xasan Macallin ayaa tilmaamay in maleeshiyada argagixisada loogu galay gododkii iyo duurkii ay ku dhuumaaleysanayeen oo maanta la isku haysto ama dagaaalka uu ka socdo.
“Maantana waxaa la socotaan dagaallaa socda, gododkoodii Shabeellow ayuu dagaalka ka socdaa, manna ahan waxa dusha iyo cirka midna ma ahan, waa dagaal deegaanka daraawiishtii, ciidankii Dowladda ayaa la dagaallamaya dhinac kastana iskuweer yar ayay ku jiraan,” ayuu yiri wasiirka.
Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa cashar cimro qaadasho ugu filan u dhigay Khawaarijta, kuwaas oo qaarkood bilaabay in ay isa soo dhiibaan inta aysan gaarin gacanta geesiyaasha dalka halka kuwo kale ee fikirka qaldan wali aamisan-na si arxan-daran ugu dhimanayaan dhulalka howdka ah.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Shabeellow ee gobolka Mudug Khawaarijta looga dilay in ka badan 100 maleyshiyaad ah halka tiro intaas ka badan looga dhaawacay.