Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta XFS iyo Wasiir kuxgieenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga oo wada jir u furay Shirka Afrika& Italy Business Week+sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka Warfaafinta XFS iyo Wasiir kuxgieenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga oo wada jir u furay Shirka Afrika& Italy Business Week+sawirro
Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo Wasiir kuxgieenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga oo wada jir u furay Shirka Afrika& Italy Business Week+sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 27, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA) Shirkani oo u dhexeeya dalalka Afrika iyo Talyaaniga looguna magaca daray (Afrika & Italy Business Week) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga,kaasi oo ay si wada jir ah u fureen Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee dalkaasi Talyaaniga (Emanuela Claudia Del Re).

Inta uu socdo shirkan waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha Ganacsiga Dalxiiska,iyadoo ay iska kaashanayaan wadamada Talyaaniga iyo Afrika oo Soomaaliyana ay kujirto sidii looga faa’ideysan lahaa fursadaha ganacsiga Dalxiiska ee labada dhinac,wuxuuna socodn doonaa muddo labo maalmood ah.

Mudane Maxamed Cabdi xayir (Maareeey) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo ka hadlayay furitaanka shirkan (Afrika& Italy Business Week) ayaa dowladda Talyaaniga iyo Shacabkeeda ku ammaanay martigelinta muhaajiriinta Afrika ee dalkaasi galaya.

“Marti sharafka, hal abuurayaasha bulshooyinka Italy iyo Africa,diplomaasiyiinta,dhamaan mamuuskasta oo aad halkani ku fadhisaan,waxaan idin leeyahay subax wanaagsan , anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan wafdigan aan hoggaaminayo, marka ugu horeysa waxaan rabaa in aan halkan kaga mahadceliyo dowladda iyo shacabka Talyaaniga,casuumaaddani oo ku aadan shirkan (Africa & Italy Business Week)kaasi oo ay martigelinayso magaaladan quruxda badan ee Milano,waxaan rabaa markale anigoo ku hadlaya magaca wadamada Afrika  in aan uga mahadceliyo dowladda Talyaaniga badbaadinta iyo martigelinta muhaajiriinta badan oo Afrikaan ah,kuwaasi wadankan ku soo galaya hab sharci daro ah“.Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Waxuu la kulmay shir fool ka fool ahna la yeeshey  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Dalka Talyaaniga Emanuela Claudia Del Re ,iyagoo ka wada hadlay horumarinta warbaahinta gaar ahaan Keydka Radio Muqdisho.

C/risaaq Cabdi Cadullaahi agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku wehliya safarka wasiirka,waxaana inta ay halkaasi joogaan sidoo kale kulamo kaladuwan la yeelan doonnaan mas’uuliyiinta shirkaasi ka qeybgalaysa.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe ku howlanayd sidii loo horumarin lahaa ganacsiga Dalxiiska Dalka,maadaama dalka uu haatan ka soo kabsanaya dagaaladii sokeeyey iyo burburkii,islamarkaana uu cagta saaray dhabihii horumarka dowladnimo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Israa’iil oo duqeysay Gaza iyo Koonfurta Lubnaan

Milateriga Israa'iil ayaa weerarro xagga cirka ah ku qaaday koonfurta Lubnaan iyo marinka Qaza ka dib weerarro gantaallo ah oo…

Caalamka
April 7, 2023

DF oo Ceel-biyood iyo adeegyo kale oo Bulsho ka hirgelisay deegaan laga xoreeyay Khawaarijta

Muqdisho.(SONNA):- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ceel biyood iyo adeegyada kale ee bulshada ah ka hirgelisay deegaanka Waab-weyn ee gobolka Hiiraan…

GudahaWararka
July 13, 2024

Taliska Booliska oo ka warbixiyey Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (SONNA): War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in galabta markii saacaddu ahayd 16:00 ay cidanka…

GudahaWararka
January 24, 2024

10 ka mid ah shaqaalaha shidaalka oo lagu dilay bariga Suuriya

Wakaalada wararka ee SANA ayaa sheegtay in weerarka lala beegsaday basas oo ku sugnaa gobolka Deir Az Zor,lagu dilay 10…

Caalamka
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023