Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiir Sadiiq Warfaa: Maalgashiga shaqaalaha Soomaaliya waxay yareyn doontaa inaan ku laabano colaaddii “Sawirro”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiir Sadiiq Warfaa: Maalgashiga shaqaalaha Soomaaliya waxay yareyn doontaa inaan ku laabano colaaddii “Sawirro”
Wararka

Wasiir Sadiiq Warfaa: Maalgashiga shaqaalaha Soomaaliya waxay yareyn doontaa inaan ku laabano colaaddii “Sawirro”

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 3, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad ka jeediyay shirka Dhismaha iyo Guryeynta Soomaaliya oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.

“Marwalba oo aan arko dhisme socda waan ku farxaa, Maxaa yeelay waxaan ogahay in ay boqollaal dad ahi ay ka shaqa-geli doonaan waana shaqo abuur saameyn horumarineed ku yeelanaya qoysaska howl wadeennada dhismaha”ayuu yiri wasiir warfaa.

“Horumarinta hantida maguurtada ah ee Soomaaliya waxaa ay haysaa dhabihii saxda ahaa ee abuurida jawi casri ah, hufan, ammaan ah iyo deegaan wacan oo aysan kaliya ujeeddadu ahayn kor u qaadida bilicda waddanka balse waxaa dheer iney garab socoto shaqooyin la abuuro. Runtii madashani waa mid mudan in la amaano waxaana jeclaan lahaa shakhsi ahaan inaan u mahadceliyo shaqsi kasta oo arrintan ku lug leh,” ayuu yiri.

Wasiir Sadiq Warfa ayaa caddeeyay dadaallada ugu badan inay ku bixinayaan sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed, arrintaan ayuuna sheegay inay door weyn ka qaadanayso maalgashiga.

“Maalgashiga shaqaalaha Soomaaliya oo ah waddan ka soo kabanaya dagaallo sokeeye waxay yareyn doontaa inaan ku laabano coladdii. Markaa Madalkasto oo horumarineed sida tan hadda aan joogno ee horumarinta guryeynta iyo dhismaha waxay yeelan kartaa saameyn bulsheed iyo mid siyaasadeed oo weyn. Maal-gashadeyaasha ugu horreeya ee waddanka ma la kulmayaan tartan adag oo dhanka ganacsiga ah maxaa yeelay tartameyaasha ayaa yar. waxayna heli doonaan waxa loogu yeero faa’iidada-saanqaad hore. Qadar yar oo lacag ah ayaa Soomaaliya si weyn ugu abaabuli karta dib u soo celinta haybadeeni luntay”.

“Si aan u muujino sida ay nooga go’antahay in aan shaqooyin u abuurno dhallinyarada una siino tababbaro xirfadeed, waxaan u qoondaynay oo aan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dhawaan kusoo kordhinay Waaxda tababbarada farsamada gacanta si ay u hormariso una meelayso xirfadaha aan hiigsaneyno ee ku habboon dhallinyaradeenna si ay u noqdaan xirfadlayaal qeyb ka noqda horumarka dhaqaalaha iyo dib u dhiska dhulkeenna Hooyo,” ayuu ku daray wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Gabagabadii, wuxuu sheegay Ganacsatada guryaha ka ganacsata inay ka faa’iideystaan kobaca magaalooyinka Soomaaliya oo ka mid ah waddamada ugu xawaareynta badan adduunka dhanka magaaleynta. Dadka ku nool magaalooyinka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 6.45 milyan oo qof, oo ka dhigeysa 45% tirada guud ee shacabka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Yugaandha iyo DRC-Kongo oo bilaabay weeraro ka dhan ah mucaaradka ADF

Ciidamada Milateriga Dalalka Yuganda iyo Coongo ayaa qaaday weerarro dhinaca cirka ah iyo madaafiic  ay u adeegsadeen kooxda hubeysan ee…

Caalamka
January 7, 2023

Wasiir Khadiija oo la guddoonsiyey abaalmarinta ugu sarreysa Jabuuti

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa maanta la guddoonsiiyey abaalmarinta ugu sarreysa…

GudahaWararka
October 23, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha JFS mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay danjiraha dowladda Qatar, waxaana ay ka wada hadleen calaaqaadka…

GudahaWararka
January 17, 2024

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Jabuuti ugu qeyb galay Shir Madaxaxeedkii 14-aad ee Urur…

GudahaWararka
June 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023