Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiir Maxamed Xasan “ Waa mamnuuc in dalka la keeno Dawooyinka maandooriye ahaanta loo isticmaalo.”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Maxamed Xasan “ Waa mamnuuc in dalka la keeno Dawooyinka maandooriye ahaanta loo isticmaalo.”
GudahaWararka

Wasiir Maxamed Xasan “ Waa mamnuuc in dalka la keeno Dawooyinka maandooriye ahaanta loo isticmaalo.”

By Dahir Aadan Cali
Last updated: July 28, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay dhibaatada sii xoogeysaneysa ee maandooriyuhu ku haayo Bulshad, iyadoo dhallinyaro badan ay qabatimeen dawooyinka maandooriyaha loo isticmaalo.

Wasiir  kuxigeenka wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay mamnuuc tahay in dalka la keeno dawooyinka maandooriye ahaanta loo isticmaalo.

” Daawooyinka daroogada ah ee dadku maandooriy ahaan u isticmaalaan, waxaan rabaa inaan u sheego dawooyinkaas gabi ahaanba dalka waa ka mamnuuc, qof soo gadan kara, ka ganacsana kara, siina iibin kara runtii ma jirto, 30-kii sanno ee ugu dambeeyay dalkeenna waxaa ku soo qul qulayay dawooyin kala duwan oo aan runtii lahayn nidaam, aana lahayn sharciyad, labo gacan ayaa ku wajahnay arrintaas, waxaan sameynay sharcigii, qaanuunkii iyo kala hagiddii maareynta dawada iyo waliba qalabka caafimaadka, daawada sidaad ogtahay xaaliyan dalka dibaddiisa ayaa la tegaa, waa la soo iibiyaa, tayadeeda (Quality-geeda), heerka (Standard-ka) adduunka wuxuu leeyahay meel laga Kantaroolo, heerkaas inagoo raacayna, waxaan sameynay habraacaas, habraacaas runtii wuxuu kala hagi doonaa qawaaniinta lagu soo iibiyo dawada, 21-kii-Janaayo waxaa ansixiyay golaha wasiirada XFS, haddana wuxuu horyaalaa Baarlamaanka,”. ayuu yiri wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in ay waddo qaldan u maraan soo iibsashada daawo aan dalkan loogu talagelin oo maandooriye ah, taas oo qasbeysa in ay tallaabo ka qaadaan ganacsatadaas iyagoo u maraya laamaha amniga.

” Ganacsada guud ahaan waa ay ogyihiin, haddii waddo qaldan aad ku soo gadatid daawo qaldan oo aan dalkan loogu talagelin oo maandooriye ah waxaad ku talagaleysaa in aan kaa qabaneyno inagoo isticmaaleyno laamaha amniga, hay’adaha canshuurtana ay canshuur ka qaadin, daawo maandooriye ah dalkanaga inta xaddiga loogu talagalay dalka ee dawada loo isticmaalo waxaa bixiso wasaaradda caafimaadka, iyadoo warqadihii iyo wax walba oo lagu soo gadan lahaa diyaar ay yihiin.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa la dagaallanka dhammaan noocyada maandooriyaha ee ay isticmaalaan dhallinyarada, kuwaas oo sabab u noqda falalka amni-daro.

Ugu dambeyn, Baarlamanka Soomaaliya oo uu horyaalo sharciga iyo qawaaniinta lagu soo iibiyo dawada ayuu ka codsaday in ay ansixiyaan si ay u qaadaan tallaabooyin sharci ah oo lagu mamnuucayo dawooyinka maandooriyaha loo isticmaalo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Joe Biden oo ku baaqay in dadka Afganistaan ay u dagaallamaan qarankooda.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ku boorriyay madaxda dalka Afganistaan iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ee dalkaasi inay midoobaan oo u…

Caalamka
August 11, 2021

Galmudug oo dhammaystireysa xubnaha Baarlamaanka Aqalka sare ku matalaya DFS

Dhuusamareeb-(SONNA)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa xalay goordambe soo saaray liiska labadii xubnood ee ka harsanaa Musharrixiinta u tartamayay …

GudahaWararka
November 10, 2021

Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Cadaaladda Galmudug 

MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Caddaaladda Dowladd…

GudahaWararka
May 6, 2023

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo kormeeray furimaha dagaalka

Dhuusamareeb-(SONNA)-Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Fedraalka ah iyo Dawlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta kormeeray Ciidamada Difaaca Dadka deegaanka, kuwaas oo isku diyaarinaya…

GudahaWararka
August 16, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023