Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa soo gabagabeeyay kulan muhiim ah oo lagu dhiirrigelinayo dhallinyarada iyo tacbashada Beeraha.
Wasiirka oo ka hadlayay gabagabada kulanka ayaa sheegay in Barnaamijkan diiradda lagu saarayo dhiirrigelinta dhallinyarada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed si ay door muhiim ah uga qaataan horumarinta iyo tacbashada beeraha.
Wuxuu sheegay in Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS ay u dhaqaaqday dhinaca taageerada beeralayda Soomaaliyeed iyadoo xoogga saareysa kor u qaadista wax soosaarka iyo dhiirrigelinta dhallinyarada xirfadaha leh.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xusay in lafdhabarta dhaqaalaha dalka oo ah beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiguba ay haysato dhibaato xooggan oo dhanka maalgelinta ah loona baahan yahay in sare loo soo qaado si dhaqaalaha dalku uu u kobco.
Ugu danbeyntii Wasiirka Wasaaradda ayaa ku celiyay ballanqaadka Wasaaradda ee ku aaddan taageerada beeralayda iyo dhallinyarada, isagoo ku boorriyay dhamaan bulshada Soomaaliyeed in diiradda la saaro horumarinta iyo tayeynta wax soosaarka dalka.