Muqdisho (SONNA)- Wasiir Ku xiggeenka Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta ee xuukamadda Federaalka Soomaaliya Mudane Osman Aadan Dhubow ayaa maanta ka qeyb galay Kulan Duco iyo Qur’an Aqris ah oo Lagu qabtay Masjidka Sheikh Muxudiin Celi ee Dagmada karaan.
Kulankaan oo ay ka qayb ahaayeen qaar ka mid ah culimada soomaaliyeed ayaa waxaa marka hore Qur’aan Aqris laga sameeyay iyada oo Umadda soomaaliyeed loogu duceeyay inuu ka badbaadiyo halista cudurkan Dunida aadka ugu faafay.
Wasiir ku xiggeenka wasaaradda Dr.osman Adan Dhuubow oo ka hadlay kulanka ducada ka dib ayaa sheegay inay muhiim tahay in Allaah loo noqdo lagana fogaado dambiyada & macaasida.
Sheikh cali Sheikh Maxamuud ( sheikh Cali Dheere) agaasimaha waaxda Diinta ee wasaaradda ayaa asagana xusay in waqtigaan loo baahan yahay in la badiyo ducada & Alla bariga, maadaama hadda Dunidu wajahday halista cudurkaan oo ay u taag waayeen Dowlado horumar wayn ka gaaray xagga farsamada casriga ah.
Gabagabadii kulanka ayuu wasiir ku xigeenka wasaaradda guddoonsiiyay maamulka masjidka Sheikh Muxudiin Celi deeq kutubo Qur’aan.