Muqdisho,(SONNA):- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Diinta iyo arrimaha Owqaafta xukuumadda federaalka Xildhibaan Saalax Shariif siidkey oo weheliyo Abaanduulaha Qeybta 60aad CXDS Gaashanle Dhexe Cali Xabad ayaa kormeer iyo dhiiro gelin ugu tagey Ciidanka geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fariisin u ah Deegaanka Makuude ee Duleedka Baydhabo,
Wasiirka ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaaney sida casharka ugu dhigeen khawariijtii dhawaan weerarkii ay kusoo qaadey oo 14 dhaqar qabe halkaasi looga diley.
Sido kale, wasiir Saalax shariif siidkey ayaa Ku bogaadiyay geesiyaasha sida markasta ay heegan ugu yihiin difaaca Diinta, Dalka iyo dadka Soomaaliyeed,isagoona gaarsiiyey deeq lacag.