Muqdisho(SONNA) Munaasabad tababar loogu soo xirayay gabdho suxufiyiin ah oo gaaraya ilaa 15 lana barayay sidii xirfadohoodi suxufinimo kor loogu qaadi lahaa sida barashada Kaamirada/Warbaahinta Casriga ah iyo Sheegista Sheekooyinka (Digital Media and Storytelling) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana ka qeybgalay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Aadan Isxaaq Cali iyo masโuuliyiin kale oo katirsan wasaaradda oo uu kamid yahay agaasimaha waaxda Qorsheynta ee Wasaaradad C/raxmaan Axmed.
Tababarkan ayaa waxaa uu gabdhahaasi suxufiyiinta ah u socday muddo 10 maalmood ah,iyadoo ay iska kaashadeen (Ururka SWJ iyo safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya)waxaana fududeysay warbaahinta (Hornconnect).
dhamaan mas’uuliyiintii ka hadashey munaasabada ayaa ku bogaadiyay gabdhahaasi sida ay uga go’antahay in kaalintoodi ay ka qaataan howlaha warbaahineed ee dalka,waxaana kamid ahaa Abdirashid Mohamed Siraj
Maamulaha Hornconnect,Duniyo Maxamed Carshaan oo ka socotay bulshada Rayidka, iyo danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Y.Yamamoto.
Guddoomiyaha Ururka SWJ oo ah urur ay ku middeysan yihiin suxufiyiin haween ah Farxiyo Maxamed Khayre oo goobtaasi ka hadashey ayaa sheegtay in gabdhaha suxufiyiinta ah ay wax badan kaga fursad badan yihiin ragga marka loo fiiriyo in la helo macluumaad rasmi ah oo ku saabsan nolosha haweenka Soomaaliyeed iyo xaaladohooda guud ahaaneediyo daruufaha ku gedaaman intuba,iyadoo ku dhiirogelisay gabdhaha tababarkaasi loo soo xirey in ay ka mirro dhaliyaan himilooyinka ay hiigsanayaan.
Mr Jon oo kamid ah Mas’uuliyiinta safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo tababarkan taageerayey ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin inay arkaan gabdho saxafiyiin ah oo lagu tababaray warbaahinta la iska arko, isagoo intaas ku daray in ay rajeynayaan gabdhahaan in aqoontii la baray ay isbadel ku keeni doonto xirfadooda.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Aadan Isxaaq Cali oo tababarkaasi soo xirey ayaa kula dardaarmay gabdhahaasi suxufiyiinta ah in ay ku dadaalaan sidii xirfaddii ay barteen ay ugu adeegi lahaayeen bulshadooda.
Wuxuu sidoo kale Wasiir Aadan uga mahadceliyay safaaradda Mareykanka dowrkii ay ka qaadatay qabsoomidda tababarkani oo hindisihiisu ay lahaayeen Ururka suxufiyiinta haweenka ee (SWJ )
Marka laga hadlayo howlaha Warbaahineed ee dalka sanadihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay dowrka gabdhaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin arrimahaasi,iyadoo tababaradan oo kale ay dhiirogelinayaan gabdhaha niyad ahaan iyo shaqo ahaan intuba.