London,(SONNA):- Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaale, oo maalmahan u joogay dalka UK hawlo shaqo, ayaa ka qeyb galay xaflad lagu taageerayay maamulka cusub ee Waqooyi Bari, taas oo ka dhacday magaalada London.
Munaasabadda ayaa kagu muujiyay taageero buuxda oo ku aaddan midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK iyo masuuliyiin ka socday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee UK.
