Muqdisho-(SONNA)-Kusimaha wasiirka ahna wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa maanta oo Arbaco ah ku soo xiray magaalada Muqdisho kulanka Wadatashiga Istiraatijiyadda Qaran ee Warbaahinta iyo wada xiriirka.
Kulanka aqoon isweydaarsiga Wadatashiga istiraatijiyadda Qaran ee warbaahinta iyo wada xiriirka ( National Communication strategy ) oo socday muddo seddex maalmood ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana ka qeyb-galay madaxda qeybaha warfaafinta ee hay’adaha dowladdda Federaalka, gobolka Banaadir, Warbaahinta iyo qeybaha bulshada.
Kulanka ayaa intuu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dabooli lahaa baahida bulshada looguna gudbin lahaa farriimo wanaagsan oo mid ah , isku xirka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo helidda istaraatiijiyad mideysan oo lagu wajahayo habka warbaahinta iyo wacyi-gelinta dadweynaha, iyada oo xoogga la saarayo la dagaallanka khawaarijta.