Muqdisho(SONNA:-Wasiir ku xigeenka, ahna ku simaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Madasha Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ay marti-gelineyso.
Madashaan waxaa ku kulmay Masuuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada, Warbaahinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Caalamka, si loo xoojiyo iskaashiga Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha.
Masuuliyiin sare, khubarro, aqoonyahanno iyo qeybaha bulshada oo wasaaraddu ay ku casuumtay Madashaan ayaa falanqeyn, doodo iyo hadal-jeedinba ka yeela doona kaalinta wax ku oolka ah ee isku xirka iyo hagaajinta Xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha, caqabadaha ku gadaaman iyo fursadaha jira.