Muqdisho-(SONNA)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Maxamed Xasan Bullaale ayaa guddoonsiiyay qaar ka mid ah Isbitaallada iyo xarumaha Caafimaad ee gaarka loo leeyahay Shahaadooyin ay ku muteysteen sida ay ugu qeyb qaateen Wacyi gelinta ka hortagga Kansarka Naasaha.
Wasiirka Ku xigeenka ayaa bogaadiyay doorka shariifka ah ee ay ka qaateen xarumaha iyo Isbitaalada wacyi gelinta Kansarka Naasaha oo bishan October si habsami leh u socdey waxa uuna sidoo kale Wasiirku sheegey in ay waajib qaran tahay in bulshadeena loo adeego si isku filnaasho dhankasta ah aan u gaarno.
Maxamed Xasan Bullaale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuunadda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadceliyey qeybta Barnaamijka Cudurada aan faafin (Non Communicable Diseases) oo si qurux badan isugu daba ridey Ololaha wacyi gelinta ka hortagga Kansarka Naasaha.
Barnaamijka Cudurada aan la kala qaadin (Non Communicable Diseases) ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qeybqaadatey wacyi gelinta Kansarka Naasaha oo inoo socday bishan October.