Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Khadiija Mohamed Almakhzoumi ayaa ku guuleystay Abaalmarinta Africa Sustainability Outliers Award ee sannadka 2023.
Abaalmarinta ayaa lagu guddoonsiiyay xaflad ka dhacday xarunta shirarka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Abaalmarinta Wasiir Khadiija Almakhzoumi ayaa muujinaysa sida ay uga goโan tahay ka qayb qaadashada ilaalinta deegaanka iyo sameynta horumarka waara ee gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladda Afrika.
Aqoonsigani waxa uu kor u qaadayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay qeyb ka noqoto ilaalinta deegaanka iyo ka qayb qaadashada yoolalka waara ee qaarada Afrika.