Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa magaalada Muqdisho maanta ka daahfuray qorshaha qaran ee isgaarsiinta xaaladaha degdega ah oo kaalin weyn ka qaadan doonto maareynta musiibooyinka.
Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socday Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madax ka socotay Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA.
Guddomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Maxamuud Macallin Cabdullaahi oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa yiri, โHayโadda maareyenta wax badan ayay ka qabatay xaaladaha musiibooyinka iyadoo kaashaneyso hayโadda isgaarsiinta Qaranka.โ