Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal (Fanax) ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwaan ee loo soo maray heshiiska ku biirista Bulshada Bariga Afrika, dadaalkaas oo ugu dambeyn guuleystay.
Wuxuu ku bogaadiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, markiii uu xafiiska yimid inuu juhdi xooggan ku bixiyay sidii loogu guuleysan lahaa kuu biirista suuqan oo Soomaaliya faa’ido badan ugu jirto.
”Haddaaan si kooban i iraahdo, runtii waxaad ogtihiin in dalkeenna si uu ugu biiro Bulshada Bariga Afrika uu soo maray safar oo rintii qaatay ku dhawaad 10-sanno, taas oo maalinba meel laga soo gudbaayay, madaxweyneย Xasan Sheekh markii uu ku guuleystay doorashada waxyaabihii ugu horeeyay uu sameeyay waxay ahaayeen magacaabis, haddii madaxtooyada laga soo gudbo,” ayuu yiri wasiir fanax.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in si loo dhaqaajiyo howsha ku biirista Bulshada Bariga Afrika, madaxweynuhu magacaabay ergayga Soomaaliya u qaabilsan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Dr. Cabdisalaan Cumar Hadliye oo horay u soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda, wuxuuna ergayga dadaal xooggan uu geliyay si loo daadejiyo loona dhaqaajiyo arrintaan.
Ergayga oo sharxayay faa’idada Soomaaliya u leedahay ku biirista ururkan ayaa sheegay in dhammaan dadka Soomaalida ee ganacsiyada ku leh dalalka ku boobay Bulshada Bariga Afrika ay ka heli karaan nidaam socdaal oo fudud.