Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS Abshir Cumar Jaamac Haruuse ayaa maanta tababbar u furay dufcadii 11-aad oo ku biirtay Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
Wasiirka ayaa sheegay in tababarkani ay qaadanayaan dad dhallinyaro ah, kaas oo mihiimad weyn u leh Qaranka Soomaaliyeed maadaama ay Dublomaasiyiintii hore intooda badani noqdeen howl gab ama ay meesha ka baxeen.
Mudane, Huruuse ayaa sheegay inay xiriirro la sameeyeen dalal ay aad u sarreyso Dublomaasiyaddooda si ay dhallinyaradeenna wax baratay u siiyaan tababarro tayo leh, si ay u kororsadaan aqoontooda iyo waaya aragnimadooda.
Wuxuu sheegay in Wasaaradda iyo howl wadeennadeeduba ay ka goโan tahay sii wadidda tababarrada iyo sare u qaadidda garaadka Dublomaasiyiinta cusub iyo kuwii horay u shaqaynayay intuba.