Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa goor-dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Xoghayaha fulinta Urur gobaleedka IGAD Drโ Workneh Gebeyehu.
Ujeedka safraka ee Dr. Worknehย Gebeyahu Xog-ahayaha Urur gobaleedka IGAD, ayaa ah sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta, xoojinta Amaanka Gobalka, wax ka qabashada xaaladaha kala duwan ee uu wajahyo gobalka, sida isbeddelka Cimillada, sugnaanta cuntada, nabadda, Awood-siinta Haweenka iyo dhalinyaradda oo door wannaagsan ku leh geeddiga horumarineed ee bulshada geeska Afrika.