Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta XFS Mudane, Axmed Macallim Fiqi oo ka qeybgalay meertada 2-aad ee shirwaynaha qurba joogta Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha dibedda ayaa khudbad uu kajeediyay waxaa uu sharraxay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha xoraynta dalka, la dagaallanka fikirka iyo maaliyadda ee kooxaha khawaarijta.
Mudane, Axmed Macallim Fiqi waxaa kale uu kala hadlay Arrimaha Xasilinta goobaha dhawaan laga xoreeyay khawaarijta, sarraynta sharciga iyo geeddi socodka Dowladnimada dalka oo ay hoggaanka ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.
Ugu dambayn, Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah uga mahadceliyay Qurba joogta Soomaaliyeed ee kasoo qaybgalay Shirwaynaha 2-aad ee Qurba joohgta Soomaaliyeed sida xoogga leh ee ay uga qayb qaateen maal gashiga dalkeenna hooyo ee Soomaaliya.