Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah daahfuray wejiga koowaad ee ololle lagu beerayo Xarunta Wasaaradda illaa iyo 2,000 geed oo iskugu jira kuwa miraha, harka iyo ubaxa, iyadoo olollahan uu ka qeybyahay hindisaha cagaaraynta Soomaaliya.
Olollahan ayaa waxaa ka qeybgalay tobaneeyo shaqaalaha Wasaaradda ka mid ah oo beerayay noocyo kala duwan oo geedo ah, iyadoo tani ay tahay dadaal wadajir ah oo lagu ilaalinayo deegaanka, lagu xoojinayo cagaaraynta.
Hadal uu ka jeediyay daahfurka olollahan, ayuu Wasiir Fiqi yiri ” Olollahan wuxuu ka qeybyahay olollaha cagaaraynta Soomaaliya, waxa aanan ku beerayntaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga illaa iyo 2,000 geed oo iskugu jira kuwa miraha , ubaxa iyo harsiga leh. Hindisahan waxa uu ka dhiganyahay ka-qaybqaadashadeena cusub ee ilaalinta deegaanka “Hal geed oo aad beertid, waa nolol cusub oo aad soo korodhisay”.