Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in Manhajka waxbarashadu aysan ku jirin xagjirnimo, balse ay tahay feker ay la yimaaddeen khawaarita.
Wasiirka oo marti ku ahaa barnaamijka Dood furan ee warbaahinta Qaranka, kaas oo looga hadlayay baahinta iyo tayaynta waxbarashada ayaa sheegay in ay kusoo dhuuntaan khawaarijta kana faaโiideystaan dadka aan wax baran.
Wasiir Faarax Sh, Cabdulqaadir “Khawaarijtu waxa ay fursad ka heleen dadka aan wax baran, iskuma dayaan in ay ka dhaadhiciyaan dadka wax bartay ee aqoonta leh, sababtoo dadka wax bartay ma yeelayaan is qarxiyaโ
Wuxuu sheegay Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir in ay Khawaarijtu ay ka faaโiideystaan qofka jaahilka ah oo aan fursad waxbarasho helin, duruufaha adagna ku nool, iyagoo ku qanciya in ay ka horreyso janno iyo nolol ka fiican tan adduunka.