Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh C/qaadir ayaa hambalyo ku aaddan 21-ka November u diray macallimiinta Soomaaliyeed.
Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax C/qaadir โMacalinka waa astaanta nolosha haddii macallin la waayo nolol majirtoโ.
Wasiir Faarax C/qaadir ayaa sheegay in sanadka 2024 uu qorshahoodu yahay in tababar bilaash ah la siiyo 10 kun oo macallin si loo baahiyo waxbarshada dalka.
21-ka Novembar ayaa loo asteeyay maalinta macallinka Soomaaliyeed, waxaana si weyn looga xusaa dhammaan geyiga Soomaaliyeed.