Muqdisho (SONNA): Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa maanta la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, iyo wafdi heer sare ah oo ka socday Sanduuqa Nabadda ee Midowga Yurub (EPF).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Wasiiru Dowlaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada wax ku oolka ah ee ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo door muuqda ka qaadatay horumarka iyo tayeynta joogtada ah ee CXD.