Muqdisho,(SONNA):-Shirkan oo heer Wasiir ahaa oo ay soo qaban qaabisay Urur Goboleedka IGAD ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu ansaxiyo labada Istiraatiiji ee kala ahย Istiraatiijiyadda Badqabka Cuntada (Food Safety Strategy) iyo Istiraatiijiyada Maareynta khasaaraha goosashada kadib (Post Harvest Loss Management) ee IGAD,wasiir Dawlaha oo hadal ka jeediyay xiritaanka shirka ayaa tibaaxay muhiimada ay labada Istiraatiiji u leeyihiin Soomaaliya iyo dawladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.
“Istiraatiijiyadda Baqabka cuntada IGAD waxey muhiim u tahay isku gudubka badeecadaha/cuntooyinka dawladaha dhexdooda iyo weliba Africa iyo sidoo kale ilaalinta caafimaadka dadka iyo xoolaha.
Dhanka kale Istiraatiijiyadda Maareynta khasaaraha goosashada kadib waxey kor u qaadeysaa Wax-soo-saarka iyo Kobaca Dhaqaalaha, Istiraatiijiyaddan waxey inoo badbaadineysaa malaayiin tan oo lagu quudin karo dadkeena” ayuu sheegay Wasiir Dawlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyadoo Ugu dambeyn Istiraatiijiyada Badqabka Cuntada IGAD ayaa la ansaxiyay.