Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Da’ud Aweys Jaamac oo ka hadlay munaasabad lagu xusayey maalinta duulimaadyada Rayidka caalamiga ayaa sheegay in Soomaaliya gaartey heerka ugu sareeya ee maamulka hawada.
Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in munaasabaddaan ay muhiim u tahay Hay’adda duulista Rayidka maadaama gaar ah u tahay Soomaaliya, isaga oo sheegay in Hay’addaan ay tahay muraayadda laga dheehan karo hormarka ay Soomaaliya sameenayso.
“Muddo dheer oo Soomaaliya ku soo jirtay dhabaatooyin kala duwan meesha kaliya ee Soomaali isku xiraysay haba noqoto mid gaabis ku bilaabato, waxa ay ahayd duulimaadyada Rayidka ah oo qeyb ka qaadanayeen hay’adda,” sida uu yiri Wasiir Daa’uud.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Wasaaradda ay farxad weyn u tahya in ay aragto adeega duulimaadyada uu si wanaagsan u hana qaado.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Da’ud Aweys Jaamac ayaa xusan in maalintaan aysan ahayn dabaal dag oo kaliya balse ay muujinayso in Soomaaliya dib u soo kabatay.