Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac ayaa maanta shahaado sharaf Guddoonsiiyay qaar ka mid ah holwadeennada geesiyaasha ah ee Warbaahinta Qaranka.
Holwadeennada uu maanta Wasiir Daa’uud guddoonsiiyey ayaa qayb wayn ku lahaa soo tabinta howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta iyo guulaha ciidanka Qaranka ay ka gaareen dagaalka ka socda gobollada.
Mudane Daa’uud Aways Jaamac wasiirka Warfaafinta ayaa ku ammaanay howlwadeennadaan geesinimada iyo howlkarnimada dheeraadka ah oo ay muujiyeen muddadii ay ku jireen shaqadaan, isaga oo sheegay in ay u adeegayeen Qarankooda.
Warbaahinta Qaranka ayaa qeyb lixaad leh waxa ay ka qaadatay soo tabinta wararka iyo warbixinnada ku saabsan dagaalka dalka looga xorreenaya Khawaarijta, waxa ay furimaha hore ee dagaalka la joogeyn ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa geesiyaasha deegaanka.