Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiir Daaโ€™uud Aweys “Waxan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Daaโ€™uud Aweys “Waxan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta”
GudahaWararka

Wasiir Daaโ€™uud Aweys “Waxan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta”

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: April 9, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya: Waxaan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta soo laalaabatey ee Addis-Abbaba ku hayso qarannimada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac sheegay in tallaabada ay DFS qaaddey ay jawaab u tahay falalka ka baxsan shuruucda caalamiga ee ay Ethiopia ku hayso qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, sidaa darteedna ay ka dalbatey Danjirihii Ethiopia u fashiyay Soomaaliya inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Wasiirka oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Carabta ee (AWP) ayaa intaas ku daray in goโ€™aanka lagu xirayo labada qunsuliyadood ee Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee Soomaaliya uu ku yimid, iyada oo laga jawaabayo xadgudubyada joogtada ah ee ay Itoobiya ku hayso madax-bannaanida dalka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Somaliland iyo Puntland ay yihiin labo gobol oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu intaas raaciyay in labada qunsuliyadood ee Ethiopia ay ku shaqeynayeen ogolaanshiyaha iyo raali ahaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse ay meesha ka baxday sharcigii ay ku shaqeynayeen, isla markaana ay Dowladda Federaalka goโ€™aansatay in ay joojiso ogolaanshihii hore ay u haysteen.

Wasiirka ayaa yiri โ€œWaxaa muhiim ah in Ethiopia ay ixtiraamto shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka diblomaasiyadeed ee Axdiga Geneva, kuwaas oo lagu maamulo, laguna xakameynayo hannaanka diblomaasiyadeed ee waafaqsan heshiisyada caalamiga ahโ€.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka jawaabayey suโ€™aal laga weydiiyey tillaabooyinka sharciga ah ee dalkiisu ka qaadi karo Ethiopia, ayaa yiri โ€œWaxaan diyaar u nahay inaan qaadno dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u ilaalinno qaranimadeenna iyo midnimada dhulkeennaโ€

Wasiir Daa’uud Aweys waxa uu carrabka ku adkeeyay in xiisadda taagan si deg deg ah loo xallin karo hadii hogaanka Addis-Abbaba uu joojiyo hab dhaqanka masโ€™uuliyad darrada ah, kaas oo aan khatar ku ahayn Soomaaliya oo kaliya balse dhibaato ku ah gobolka Geeska Afrika oo dhan.

Wasiirku waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysaneyso mowqifkeeda ku aaddan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah iyo in ay nabad iyo xiriir wanaagsan la wadaagto deriska iyo caalamka intiisa kale.

Waasiirka ayaa yiri, โ€œWaa nasiib darro in Ethiopia aysan dan ka lahayn xeerarka maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ujeeddadoodu tahay ilaalinta nabadda gobolkaโ€. Beesha caalamku isha ayay ku heysaa xaaladda dhabta ah iyo colaadda ka taagan gudaha Ethiopia. Waddadda kaliya ee furan waa in si nabad ah lagu xalliyo dhibaatooyinkaas, balse madaxda Ethiopia halkii ay ka xalin lahaayeen mashaakilaadkooda gudaha ayaa waxay door bideen in ay qaadaan tallaabooyin ay colaado cusub uga abuureyaan gobolka, khatarna keeni kara.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowladda waxay shaqaalaysiin doontaa 10 kun oo macallin si loo daboolo baahiyaha waxbarasho”

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan sheekh Maxamuud ayaa balanqaadadiisii ololaha doorashada waxa ka mid ahaa kor u qaadida…

MaqaalladaWararka
March 14, 2023

Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda

Muqdisho(SONNA);- Maanta oo ku began 3-da May waxaa dalalka caalamka oo dhan ay u dabbaaldegayaan xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo…

Gudaha
May 3, 2023

Afhayeenka Booliiska oo ka warbixiyay weerarkii Khawaarijtu ku soo qaaday xarunta Gobolka Banaadir

Muqdisho (SONNA) Afhayeenka Boliiska Soomaaliya, Sadiiq Aadan Doodishe ayaa faah-faahin ka bixiyay ayaa ka warbixiyay weerarkii naf-lacaariga ahaa ee Khawaarijtu…

GudahaWararka
January 22, 2023

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya oo la kulmay danjiraha Hindiya

Muqdisho,(SONNA):-Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa la kulmay H.E. Namgya Khampa, Danjiraha Hindiya u fadhiya Kenya. Labada masuul ayaa ka wada…

GudahaWararka
January 11, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023