Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiir Daa’uud Aweys “Waxan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Daa’uud Aweys “Waxan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta”
GudahaWararka

Wasiir Daa’uud Aweys “Waxan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta”

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: April 9, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya: Waxaan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta soo laalaabatey ee Addis-Abbaba ku hayso qarannimada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac sheegay in tallaabada ay DFS qaaddey ay jawaab u tahay falalka ka baxsan shuruucda caalamiga ee ay Ethiopia ku hayso qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, sidaa darteedna ay ka dalbatey Danjirihii Ethiopia u fashiyay Soomaaliya inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Wasiirka oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Carabta ee (AWP) ayaa intaas ku daray in go’aanka lagu xirayo labada qunsuliyadood ee Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee Soomaaliya uu ku yimid, iyada oo laga jawaabayo xadgudubyada joogtada ah ee ay Itoobiya ku hayso madax-bannaanida dalka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Somaliland iyo Puntland ay yihiin labo gobol oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu intaas raaciyay in labada qunsuliyadood ee Ethiopia ay ku shaqeynayeen ogolaanshiyaha iyo raali ahaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse ay meesha ka baxday sharcigii ay ku shaqeynayeen, isla markaana ay Dowladda Federaalka go’aansatay in ay joojiso ogolaanshihii hore ay u haysteen.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaa muhiim ah in Ethiopia ay ixtiraamto shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka diblomaasiyadeed ee Axdiga Geneva, kuwaas oo lagu maamulo, laguna xakameynayo hannaanka diblomaasiyadeed ee waafaqsan heshiisyada caalamiga ah”.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey tillaabooyinka sharciga ah ee dalkiisu ka qaadi karo Ethiopia, ayaa yiri “Waxaan diyaar u nahay inaan qaadno dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u ilaalinno qaranimadeenna iyo midnimada dhulkeenna”

Wasiir Daa’uud Aweys waxa uu carrabka ku adkeeyay in xiisadda taagan si deg deg ah loo xallin karo hadii hogaanka Addis-Abbaba uu joojiyo hab dhaqanka mas’uuliyad darrada ah, kaas oo aan khatar ku ahayn Soomaaliya oo kaliya balse dhibaato ku ah gobolka Geeska Afrika oo dhan.

Wasiirku waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysaneyso mowqifkeeda ku aaddan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah iyo in ay nabad iyo xiriir wanaagsan la wadaagto deriska iyo caalamka intiisa kale.

Waasiirka ayaa yiri, “Waa nasiib darro in Ethiopia aysan dan ka lahayn xeerarka maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ujeeddadoodu tahay ilaalinta nabadda gobolka”. Beesha caalamku isha ayay ku heysaa xaaladda dhabta ah iyo colaadda ka taagan gudaha Ethiopia. Waddadda kaliya ee furan waa in si nabad ah lagu xalliyo dhibaatooyinkaas, balse madaxda Ethiopia halkii ay ka xalin lahaayeen mashaakilaadkooda gudaha ayaa waxay door bideen in ay qaadaan tallaabooyin ay colaado cusub uga abuureyaan gobolka, khatarna keeni kara.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo shaaciyey Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada lix kursi

Kismaayo-(SONNA)-Guddiga maamulka doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa goor dhow guddiga hergalinta doorashooyinka heer Federaal u soo gudbiyay Odayaasha dhaqanka iyo…

GudahaWararka
January 19, 2022

Ra’iisul wasaaraha dalka oo la kulmay kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Aqalka sare

Muqdisho-(SONNA)-Ra’isul Wasaaraha XFS  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay jawi wanaagsan oo ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada…

GudahaWararkaWargayska
July 22, 2021

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Degmada Hodan ka Daahfuray Qaybinta Kaarar-ka Codbixiyeyaasha

Muqdisho(SONNA):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Hodan ka daahfuray qaybinta kaarar-ka codbixiyeyaasha doorashooyinka. Guddoomiyaha Guddiga Hoosaadka Howlgallada Doorashooyinka…

GudahaWararka
November 30, 2025

Booliska Galmudug oo gacanta ku dhigay nin ku eedeysan kufsi ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo

Muqdisho (SONNA)-Taliska booliska magaalada Cadaado ayaa qabtay eedeysane Axmed Xusen Cabdi oo ku eedeysan kiis kufsi ah oo la sheegay…

Wararka
October 21, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023