Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Da’uud Aweys Jaamac oo ka hadlayay furitaanka Shirweynaha Dalxiiska Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay qorshaha Dowladda ee horumarinta Dalxiiska Dalka.
Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday in ay Soomaaliya leedahay saameyn iyo kobac dalxiis, taas oo sabab u ah awoodda quruxda dabiiciga ah ee uu dalkeennu leeyahay.
” Soomaaliya waxay leedahay saameyn iyo kobaca dhanka dalxiiska ah, anagoo ka faa’ideysaneyna awoodda quruxda dabiiciga ah, dhaqanka qaniga ah iyo adkeysiga dadkeenna u leeyihiin dhanka maareynta nolosha dib u soo kabashada, waxayna taas keeneysa inuu wax badan ka beddelo muuqaalkii Soomaaliya lagu yaqaanay mid ka mid ah oo sax ah inuu soo baxo, mid ka mid ah tiirarka xukuumadda DanQaran waa kobaca dhaqaalaha, arrimaha ugu muhiimsan oo horumarkaas ku gaari karnana waxaa ka mid ah inaan xoogga saarno horumarinta iyo balaarinta arrimaha dalxiiska,”.
Sidoo kale, Wasiir Daa’uud oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka go’aan tahay kan Dowlad ahaan in ay horumariyaan adeegga dalxiiska dalka, iyadoo loo marayo habab dhammeystiran oo qeyb ka yihiin diyaarinta xeerarka iyo shuruucda loo baahan yahay.
” Maanta waxaa naga go’aan inaan kor u qaadno adeeggan ama sectorkan, annagoo u mareyno habab dhammeystiran oo ay ku jiraan diyaarinta xeerarka iyo shuruucda loo baahan yahay, sameynta machadyo gaar ah iyo siyaasado saameyn leh, ujeeddadeenu kaliya ma ahan in aan soo jiidano dalxiisayaasha caalamiga ah , balse dhanka kale, waxaan xoogga saareynaa horumarinta dalxiiska maxaliga ah,”. ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.
Bandhiggaan oo sanadka kasta maanta oo kale loo asteeyay ayaa waxaa ka qeyb galayย wasiirro ka tirsan xukuumadda, wakiillo ka socda Midowga Afrika, turkiga iyo martisharaf kale, waxaanna inta uu socdo shirka lagu soo bandhigayaa goobaha ku wacan dalxiiska dalkeenna iyo fursadaha Maagashi si loo hormariyo dalxiiska.