Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiir Daa’uud Aweys” Jawaabta Israaiil ee aqoonsiga Somalinad waxaa loo mari doonaa dariiq diblomaasiyadeed,”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Daa’uud Aweys” Jawaabta Israaiil ee aqoonsiga Somalinad waxaa loo mari doonaa dariiq diblomaasiyadeed,”
GudahaWararka

Wasiir Daa’uud Aweys” Jawaabta Israaiil ee aqoonsiga Somalinad waxaa loo mari doonaa dariiq diblomaasiyadeed,”

By Dahir Aadan Cali
Last updated: December 28, 2025
5 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa xaqiijiyay in jawaabta Dowladda Federaalka Soomaaliya ka bixin doonto ku dhawaaqista Israaโ€™iil ee ku saabsan aqoonsiga gobolka Somaliland ay noqon doonto mid loo maro dariiq diblomaasiyadeed, si looga fogaado sii xumaanshaha xaaladda, loona ilaaliyo xasilloonida dalka iyo tan gobolka Geeska Afrika.

Wareysi uu siiyay telefishinka Al-Sharq, ayuu wasiirku ku sheegay in Dowladda Federaalka ay dooratay wadada diblomaasiyadda inay noqoto ikhtiyaarka koowaad ee lagula tacaalayo tallaabadan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ku dhawaaqista Israaโ€™iil aysan wax sal ah ku lahayn sharciga caalamiga ah, isla markaana Soomaaliya ay si buuxda u diiddan tahay faragelin kasta oo dibadeed oo ku xadgudbeysa madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Wasiirka Warfaafinta ayaa intaas ku daray in la ballaarin doono dadaallada diblomaasiyadeed, iyadoo lala shaqeynayo beesha caalamka, si arrintan xal degdeg ah looga gaaro. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay horey u wajahday caqabado iyo khilaafyo ku filan, isla markaana tallaabadan ay sii murginayso xaaladda jirta, kana dhalin karto xiisad hor leh oo ka dhex aloosanta gobolka.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay durba billowday qaadista tallaabooyin diblomaasiyadeed, oo ay ka mid tahay u gudbinta arrintan shir degdeg ah oo ay isugu yeerayso Jaamacadda Carabta. Wuxuu muujiyay rajada ah in Israaโ€™iil ay ka laabato hadalkan uu ku tilmaamay mid ka dhan ah Soomaaliya iyo madax-bannaanideeda.

Jaamac ayaa xusay in cawaaqib-xumada ka dhalan karta tallaabadan aysan ku koobnaan doonin Soomaaliya oo keliya, balse ay saameyn ku yeelan karto dalalka ku teedsan Badda Cas, taasoo sii adkeyn karta xaaladda amni ee gobolka.

Dhanka sharciga, Wasiirka Warfaafinta ayaa carrabka ku adkeeyay in ku dhawaaqista Israaโ€™iil aysan wax saameyn sharci ah ku yeelan doonin Soomaaliya, maadaama arrimaha gudaha dalka lagu maamulo Dastuurka Qaranka iyo shuruucda u degsan, isla markaana wax kasta oo khuseeya dalka lagu wajahayo qaab-dhismeedkaas sharci.

Wasiirku wuxuu si cad u sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si adag u diiddan tahay isku day kasta oo dibadeed oo lagu doonayo in lagu soo farageliyo mustaqbalka dalka, isagoo mar kale adkeeyay in Soomaaliya ay ahaan doonto dal midaysan, isla markaana gobolka Somaliland uu yahay qayb ka mid ah dhulkeeda.

Isagoo ka hadlayay xalinta guud ee arrinta, Wasiirka Warfaafinta ayaa mar kale xaqiijiyay in dowladda ay si buuxda u diiddan tahay ku dhawaaqista Israaโ€™iil, isagoo ku sifeeyay โ€œfal aan sal iyo raad toona lahaynโ€ oo sababi kara qalalaase haddii xaaladdu sii xumaato, xilli ay Soomaaliya weli ku jirto dagaal adag oo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah, oo ay ugu horreeyaan Daacish.

Dhanka walaaca laga qabo suuragalnimada dib u soo laabashada khilaaf gudaha ah, wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay dadaal xooggan ugu jirto ka hortagga wax kasta oo saameyn ku yeelan kara amniga iyo xasilloonida dalka. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay sanado badan la daalaa-dhacaysay dhibaatooyin kala duwan, isla markaana xalintooda ay u baahan tahay wadahadal iyo ka fogaanshaha faragelin shisheeye.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in xukuumaddu ay horey u yeelatay dhowr wareeg oo wadahadal ah oo ay la gashay maamulka Somaliland, isagoo adkeeyay in Muqdisho ay weli diyaar u tahay in xal nabadeed laga gaaro khilaafaadka jira, isla markaana la filayo in wareegyo cusub oo wadahadallo ah dib loo bilaabo.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay cadaadis ku saarto dal kasta oo aan ixtiraamin heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah, isagoo ka digay in dhaqamada noocaas ahi ay horseedi karaan qalalaase hor leh oo heer gobol iyo mid caalami ah. Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ku booriyay inay difaacaan qarannimada dalkooda, isla markaana ay ku dadaalaan sidii xal nabadeed loogu heli lahaa xaaladda taagan sida ugu dhaqsaha badan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta dhallinyarada adduunka ee 12-ka Ogoosto

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta dhallinyarada…

WararkaWargayska
August 12, 2020

Wasaaradda Gargaarka XFS oo hayโ€™adaha ugu baaqay in loo gurmado dadka ay fatahaadu saameeyeen

Muqdisho.(SONNA)...Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya mudane Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle uu fatahaado darran…

Wararka
July 22, 2020

Wasiir Beene-beene oo bogaadiyay dedaallada horumarineed ee ka socda koofur galbeed

Baydhabo-(SONNA)-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa bogaadiyay dedaallada dowlad goboleedka ee la xiriira…

GudahaWararka
March 6, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Muqdisho, Agoosto 18, 2025 (SONNA) โ€“ Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,…

GudahaWararka
August 18, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023