Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiir Daa’uud Aweys” Jawaabta Israaiil ee aqoonsiga Somalinad waxaa loo mari doonaa dariiq diblomaasiyadeed,”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Daa’uud Aweys” Jawaabta Israaiil ee aqoonsiga Somalinad waxaa loo mari doonaa dariiq diblomaasiyadeed,”
GudahaWararka

Wasiir Daa’uud Aweys” Jawaabta Israaiil ee aqoonsiga Somalinad waxaa loo mari doonaa dariiq diblomaasiyadeed,”

By Dahir Aadan Cali
Last updated: December 28, 2025
5 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa xaqiijiyay in jawaabta Dowladda Federaalka Soomaaliya ka bixin doonto ku dhawaaqista Israa’iil ee ku saabsan aqoonsiga gobolka Somaliland ay noqon doonto mid loo maro dariiq diblomaasiyadeed, si looga fogaado sii xumaanshaha xaaladda, loona ilaaliyo xasilloonida dalka iyo tan gobolka Geeska Afrika.

Wareysi uu siiyay telefishinka Al-Sharq, ayuu wasiirku ku sheegay in Dowladda Federaalka ay dooratay wadada diblomaasiyadda inay noqoto ikhtiyaarka koowaad ee lagula tacaalayo tallaabadan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ku dhawaaqista Israa’iil aysan wax sal ah ku lahayn sharciga caalamiga ah, isla markaana Soomaaliya ay si buuxda u diiddan tahay faragelin kasta oo dibadeed oo ku xadgudbeysa madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Wasiirka Warfaafinta ayaa intaas ku daray in la ballaarin doono dadaallada diblomaasiyadeed, iyadoo lala shaqeynayo beesha caalamka, si arrintan xal degdeg ah looga gaaro. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay horey u wajahday caqabado iyo khilaafyo ku filan, isla markaana tallaabadan ay sii murginayso xaaladda jirta, kana dhalin karto xiisad hor leh oo ka dhex aloosanta gobolka.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay durba billowday qaadista tallaabooyin diblomaasiyadeed, oo ay ka mid tahay u gudbinta arrintan shir degdeg ah oo ay isugu yeerayso Jaamacadda Carabta. Wuxuu muujiyay rajada ah in Israa’iil ay ka laabato hadalkan uu ku tilmaamay mid ka dhan ah Soomaaliya iyo madax-bannaanideeda.

Jaamac ayaa xusay in cawaaqib-xumada ka dhalan karta tallaabadan aysan ku koobnaan doonin Soomaaliya oo keliya, balse ay saameyn ku yeelan karto dalalka ku teedsan Badda Cas, taasoo sii adkeyn karta xaaladda amni ee gobolka.

Dhanka sharciga, Wasiirka Warfaafinta ayaa carrabka ku adkeeyay in ku dhawaaqista Israa’iil aysan wax saameyn sharci ah ku yeelan doonin Soomaaliya, maadaama arrimaha gudaha dalka lagu maamulo Dastuurka Qaranka iyo shuruucda u degsan, isla markaana wax kasta oo khuseeya dalka lagu wajahayo qaab-dhismeedkaas sharci.

Wasiirku wuxuu si cad u sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si adag u diiddan tahay isku day kasta oo dibadeed oo lagu doonayo in lagu soo farageliyo mustaqbalka dalka, isagoo mar kale adkeeyay in Soomaaliya ay ahaan doonto dal midaysan, isla markaana gobolka Somaliland uu yahay qayb ka mid ah dhulkeeda.

Isagoo ka hadlayay xalinta guud ee arrinta, Wasiirka Warfaafinta ayaa mar kale xaqiijiyay in dowladda ay si buuxda u diiddan tahay ku dhawaaqista Israa’iil, isagoo ku sifeeyay “fal aan sal iyo raad toona lahayn” oo sababi kara qalalaase haddii xaaladdu sii xumaato, xilli ay Soomaaliya weli ku jirto dagaal adag oo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah, oo ay ugu horreeyaan Daacish.

Dhanka walaaca laga qabo suuragalnimada dib u soo laabashada khilaaf gudaha ah, wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay dadaal xooggan ugu jirto ka hortagga wax kasta oo saameyn ku yeelan kara amniga iyo xasilloonida dalka. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay sanado badan la daalaa-dhacaysay dhibaatooyin kala duwan, isla markaana xalintooda ay u baahan tahay wadahadal iyo ka fogaanshaha faragelin shisheeye.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in xukuumaddu ay horey u yeelatay dhowr wareeg oo wadahadal ah oo ay la gashay maamulka Somaliland, isagoo adkeeyay in Muqdisho ay weli diyaar u tahay in xal nabadeed laga gaaro khilaafaadka jira, isla markaana la filayo in wareegyo cusub oo wadahadallo ah dib loo bilaabo.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay cadaadis ku saarto dal kasta oo aan ixtiraamin heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah, isagoo ka digay in dhaqamada noocaas ahi ay horseedi karaan qalalaase hor leh oo heer gobol iyo mid caalami ah. Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ku booriyay inay difaacaan qarannimada dalkooda, isla markaana ay ku dadaalaan sidii xal nabadeed loogu heli lahaa xaaladda taagan sida ugu dhaqsaha badan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Baarlamaanka Carabta oo soo dhaweeyay xilliga ay dhaceyso doorashada Soomaaliya

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta mudane Caadil bin Cabdiraxmaan Al-Casuumi ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee…

GudahaWararka
July 1, 2021

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo furay Shirka wacyigalinta ceymiska Xoolaha

Muqdiaho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelay) ayaa maanta Muqdisho ka furay Shirka…

GudahaWararka
August 14, 2023

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood

Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Dubo ayaa kulan la yeeshay Danjiraha…

GudahaWararka
July 23, 2025

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay tuulooyin hor leh oo hoostaga Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay

Muqdisho:(SONNA)-Tuulooyinka Buur-fuule, Oobaale, Diinlaaw, Timire hurawa,  Kaluundi iyo kuwa kale ayaa  waxaa lasoo sheegayaa inay gaareen Fatahaada wabiga Shabeelle oo…

Wararka
May 12, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023