Muqdisho (SONNA): Shirka guddiga isku dubbaridka warbaahinta Qaranka iyo Xiriirka Bulshada ee heer Wasiir ayaa maanta ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dowladda FS.
Shirkan waxaa shir guddoominayey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Daua’uud Aweys Jaamac
Waxaa ajendayaasha laga hadley ka mid ahaa xoojinta wacyigelinta bulshada, mideynta fariimaha dowladda, ka hortagga wararka colaadaha lagu hurinayo ee baraha bulshada lagu faafiyo iyo diyaar garowga xuska toddobaadka Xoriyadda Soomaliya ee 26 June iyo 1 July.