Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasaaradda Boostada oo soo dhaweeyay xariga cusub internet oo dalka ku xiri doona Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasaaradda Boostada oo soo dhaweeyay xariga cusub internet oo dalka ku xiri doona Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika
Wararka

Wasaaradda Boostada oo soo dhaweeyay xariga cusub internet oo dalka ku xiri doona Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 16, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho:(SONNA)-Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo dhoweeyay mashruuca xarigga internetka 2Africa, oo la filayo inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu dheer xargaha internetka ee badda hoosteeda mara, kaas oo isku xiraya Yurub, Bariga Dhexe iyo 16 dal oo ka tirsan qaaradda Afrika.

Mashruucan ayaa waxaa iska kaashanaya shirkadaha China Mobile International, Facebook, MTN GlobalConnect, Orange, STC, Telecom Egypt, Vodafone iyo WIOCC. Shirkadda Dalkom Somalia ayaa ka mid ah saamileyda WIOCC, isla markaana wakiil uga ah dalka.

Wasiirka ayaa u mahadecliyay Dalkom Somalia tallaabada kale ee ay kaga mid noqotay mashruucan ballaaran, iyadoo hore u ahayd shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta xarigga badda hoostiisa mara. Wasiirku wuxuu ku tilmaamay mashruucan mid abuuraya fursado cusub oo dhaqaale, isla markaana wax ka tari doona in dalkeenu uu si fudud ugu xirmo dalal badan oo ganacsi nagala dhexeeyo.

“Waxaan aaminsannahay in mar kasta oo uu kordho xawaaraha internetka in ay la kordhi doonaan dhaqaalaha iyo adeegyada ku dhisan internetka. Adduunka maanta waxaa lagu kala horumari doonaa hadba sida uu dal kasta u adeegsado teknolojiyada, waxaa kobaca teknolojiyada aasaas u ahna waa internet xawaare sare leh,” ayuu yiri wasiirku.

“Dawlad ahaan waxaa nooga aadan waa inaan dhiirrigelino, isla markaana fududeyno maalgashiga noocan oo kale ah, inagoo u abuureyna jawi lagu ilaalinayo maalgashigooda iyadoo loo marayo siyaasado iyo shuruuc ilaalineysa danaha dadka, dalka iyo maalgashatadaba.”

Warbixin dhowaan ay soo saartay Shabakadda Cable, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto kaalinta 7aad ee adduunka, iyo kaalinta 1aad ee Qaaradda Africa dhinaca celcelis ahaan qiimaha ugu jaban ee 1GB ee internetka taleefoonka gacanta. Hase yeeshee, waxay fursad ballaaran ka bannaan tahay sidii loo horumarin lahaa internetka lagu bixiyo xargaha ee lagu isticmaalo guryaha iyo xafiisyada.

Wasiirka oo arrintaas ka hadlayay ayaa ugu baaqay shirkadaha Soomaaliyeed inay markan u soo jeestaan sidii ay u maalgashan lahaayeen dhismaha xargaha internetka ee isku xira magaalooyinka (terrestrial fiber network), iyadoo lala kaashanayo Dawladda si looga caawiyo arrimaha rukhsadaha iyo sidii maalgelin caalami ah loogu heli lahaa mashaariicdaas. Tallaabooyinka noocaas ah ayuu wasiirku sheegay inay faa’iidada internetka wada gaarsiin doonto dalka oo dhan, soona kordhin doonto hal-abuurro cusub oo ay ka mid tahay in dadweynuhu adeegyada dawladda ay helaan iyagoo aan iman xafiisyada (e-government).

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista

Muqdisho, (SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay waxa uu shir guddoomiyay kulan ku qabsoomay habka fogaan aragga…

Gudaha
August 16, 2021

kulan ku saabsan xog uruurinta naafada dalka oo lagu qabtay Garoowe

Garoowe (SONNA): Hay'ada naafada Qaranka oo kaashanaysa daladda naafada Puntland ayaa Garoowe ku qabtay kulan ku saabsan xog uruurinta naafada…

GudahaSawirroWararka
March 16, 2023

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo kaalmo u dirtay Puntland

Muqdisho (SONNA): Hay’adda maareynta musiibooyinka oo ka jawaabaysa baahiyaha bani’aadannimo ee dalka, xoojineysana dadaallada xasilinta ayaa gargaar loogu tala-galay dadka…

GudahaWararka
January 18, 2025

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GELAYA CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA UGANDA

Muqdisho(SONNA) :-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Kambaala ee Caasimadda…

GudahaWararka
May 11, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023