Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali- Xoosh ayaa bogaadiyay shaqada ay hay’adda SoDMA u hayso dadka ay waxyeellada kasoo gaareen abaaraha iyo fatahaadaha ka dib kormeer shaqo oo ku tagay Xarunta dhexe ee Hayโadda Maareynta Muusiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA).
Guddoomiyaha Hayโadda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin oo Wasiir Cali Xoosh kusoo dhaweeyay Xarunta ayaa Wasiirka siiyay Warbixin ku aaddan arrimaha maaraynta Musiibooyinka dalka oo ay Hayโadda ku guulaysatay muddada ay shaqaynaysay.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale Wasiirka la wadaagay warbixinta xaaladda abaaraha dalka, dedaallada gargaar ee socda iyo qorshayaasha wadajir loogu wajihi karo howlaha baniโaadannimo.
Wasiir Cali Xoosh oo bogaadiyay dedaallada Hayโadda SODMA ayaa faray howlwadeennada hay’adda in la dardargaliyo arrimaha Maareynta Musiibooyinka dalka oo ay SODMA u xilsaaran tahay.