Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane C/qaadir Maxamed Nuur,ayaa sheegay in dowladda ay da’daal badan ku bixineyso dib u-dhiska ciidanka xoogga dalka oo lagu qalabeyn doono hub casri ah.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed “Waxaa Ciidankeena lagu qalabeyn doonaa hubka ugu casrisan ee maanta jira”.
Wasiirka oo ka hadlay dhismaha ciidanka xoogga dalka ayaa tilmaamay in Mudda laba sano ah la tababaray ciidanka gaarayo 17-kun ayna tahay markii ugu horeysay in ciidan intaa gaarayo ay dowladdu soo saarto oo ay qalabeeyso waliba qalab casri ah oo la jaan qaadayo kan Caalamka.
“Dhismaha ciidanka xoogga waxaa koorso laga soo saaray ciidan gaarayo 17-kun ay u dhameystiranyihiin agabkooda,wana markii ugu horeysay oo ciidan intaa la’eg mudda laba sano ah lagu tababaro”Wasiir Cabdulqaadir Maxamed
Wasiirka oo sidoo kale soo hadal qaaday bixitaanka ATMIS ayaa sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay lagala wareegay ciidanka TMIS in kabadan 20-gobood oo ay ku suganyihiin ciidanka xoogga Dalka,taana ay ku timid dib u-dhiska iyo tayeenta ciidanka,isagoona bogaadiyay guulaha waweyn ay gareen ciidanka geesiyaasha xoogga iyo kuwa degaanka.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hadalkaan ka sheegay shir jiraa’id uu shalay ku qabtay xarunta wasaaradda.