Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta ka qeyb galay bandhigga war bixinta Sanadlaha ah ee canshuuraha berriga ee 2020 -ka.
Wasiirka ayaa sheegay in dakhliga ka soo xerooday Canshuuraha berriga uu kordhay Sanadihii ugu dambeeyay, maadaama dedaallo dheeri ah ay wasaaraddu ku bixisay.
โIsbeddalka faaโidada badan waxaa sabab u ah sharciyadii aan meel marinay, wacyi gelin Bulsho iyo wada shaqeyn wanaagsan oo aan la leenahay Canshuur bixiyaha Dalkaโ ayuu yir: Wasiir Beyle.
“Dalkeenna waa in aan ku dhisanaa maalkeenna iyo dhididkeenna” sidaas waxa Bartiisa Fecebook-ga ku qoray Wasiirka maaliyadda XFS, C/raxmaan Ducaale Beyle.