Muqdisho-(SONNA)- Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga kula hadlay Madaxweynaha Bangiga horumarinta Islaamka Dr; Bandar M.H. Hajjar.
Labada masโuul ayaa ka wada hadlay saamaynta uu cudurka safmarka ah ee COVID-19 ku yeeshay dhaqaalaha iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhanka dhaqaalaha.
โWaxa aan Maanta si fogaan arag ah (Video Conference) ula shiray Madaxweynaha Bangiga horumarinta Islaamka Dr; Bandar M.H. Hajjar oo aan ka wada hadalnay saameynta dhaqaale ee COVID-19 iyo qaabka Bangigu uu nooga caawin karo hoos u dhaca dakhliga dalkaโ. Ayuu yiri Wasiir Beyle.
Kulanka oo ahaa mid xog wareysi iyo kala warqaadasho ayaa ku soo idlaaday guul iyo is-afgarad.