Addis Ababa-(SONNA)-Siihayaha wasiirka Arrimaha Dibadda ahna wasiiru dowlaha wasaaradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Cumar (Cali Balcad), oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay isku day ay dowladda Itoobiya ku dooneysay inay Madaxweyne Xasan Sheekh ay kaga baajiso shirka madaxweynayaasha dalalka Afrika oo uu doonaayey inuu ka jeediyo khudbad ku aadan xad-gudubka dowladda Itoobiya ay ku sameysay madax bannanida iyo midnimda jamhuuriyadda Soomaaliya kadib is afgarad beenaad ay kala saxiixdeen abiy Axmed iyo Muuse Biixi.
“Madaxweynaha saakay markii uu damcay inuu aado shirka ayaa waxaa su’aal ka timid dhinaca amniga oo ku aadan cidda madaxweynaha baabuurka la raaceysa, Itoobiyaanku waxay ku doodeen inay iyagu la raacayaan, iyaga oo hubeysay, Annaguna aan ku doodnay in ciidamadeenna aan annagu wadano inay la racayaan taas ayaana keentay inuu socodka madaxweynaha uu dib u dhac ku yimaado” ayuu yiri wasiir Cali Cumar (Cali Balcad).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qayb galay furitaanka shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika gaar ahaan shirka madaxweyneyaasha ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladaha ka soo cusboonaaday gobolka, waxaana ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.
Madaxweyne Xasan shekh ayaa madaxweynayaasha dalalka afrika u sheegay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali karin.
Wasiirk Balcad “Madaxweynaha ayaa xilligii qadada kadib kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxdii shirka joogtay, asaga oo kulan la yeeshay Moussa Faki oo ah shir guddoonka Midowga afrika oo uu kaga dacwooday dhacdadii saakay. Intaas kadibna madaxweynuhu waxa uu go’aansaday inuu dib ugu soo laabto dalkiisa, iyada oo awalba qorshuhu ahaa in uu hal maalin uu soo joogo Addis Abab”.