Muqdisho-(SONNA)-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala oo ka qeyb galayay Barnaamij looga hadlayay sanad kadib maxaa ka qabsoomay dagaalka lagula jiro khawaarijta oo ka baxayay Warabaahinta Qaranka ayaa sheegay in guula waa weyn dowladda iyo shacbka oo is garabsanayo ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, ayna burbureen awooddii cadaowgu uu lahaa sanad ka hor.
” Dagaalka sanad jirsaday ee dowladda iyo shacabku ku qaadeen Khawaarijta waxaa uu keenay in gabi ahaan uu burburo nidaamkii dhisnaa ee kooxda dhan walba” Wasiir Al-caddaala.
Wasiirka Al-caddaala ayaa sheegay in gebi ahaanba uu baabaโay nidaamkii maamul iyo midkii dhaqaale, sirdoon iyo ciidan ee khawaarijtu ay dadka ku dhibateyn jireen shacabka
Waxa uu sidoo kale tilmaamay wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala in baraarugga dadka shacabka ah ee dhagarta khawaarijta oo markii hore u dulmaana hadda ay shacabka Soomaaliyeed marayaan in ay dilaan oo ay la dagaallamaan, taas oo uu ku sheegay marka laga tago awoodda ciidan ee dowladda midda keentay guusha in laga adkaado argagixisada.
Dagaalka dalka looga saarayo khawaarijta ayaa sanad jirsaday, iyadoo degaanno badan oo dalka ah laga saaray khawaarijta, waxaana weli degaannada qaar ka soconayo sifeynta khawaarijta.