Muqdisho (SONNA) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in dagaalka dhinaca dhaqaalaha ee Khawaarijta laga gaaray guulo waawayn, isaga oo ka mahadcelisay garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir Al-cadaala oo shir jaraa’id oo uu kaga warbixinayay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ayaa sheegay in lagu guulleystay dagaalka dhinacyada awooda, dhaqaalaha iyo fikirka.
โGuulo waa wayn ayaa laga gaaray dagaalka dhinaca dhaqaalaha, taasina waxaa laga dheehan karaa catowga ka soo yeeraya Khawaarijta Al-shabaab, jeebabkoodu waa marmeenโ
Wasiirka ayaa Shacabka Soomaaliyeed u caddeeyay in Khawaarijta awood ahaan iyo dhaqaale ahaanba jabeen, isla markaasna ay kaliya sugayaan sidii loo dhammeystiri lahaa.