Muqdisho(SONNA):-Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya kuwaas oo siday Hub sharci-darro ah.
Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo cambaareeyay Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya ka waddo xuduudaha ayaa sidoo kale sheegay in labadan diyaaradood ay sidoo kale magaalada Kismaayo ka qaadeen shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.
โEthiopia muddo dheer ayey mashquul ku aheyd dalkeena inay farogalin ku sameyso, waxay hub shirci darro ah soo galisay meelo kamid ah dalka, waxayna uruurisay maleeshiyaad calool u shaqeystayaal ah, si dalka u carqaladeeysoโ ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.
Wasiir Al-cadaala ayaa sheegay in dowladda ay qaadeyso talaabooyin dalka looga difaacayo taliska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, isagoo dhanka kale sheegay in kuwa daba-dhilifka u ah Ethiopia laga qaadi doono talaabooyin waafaqsan sharciga dalka.
โFicillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha argagixisada ah, waxa ayna kasoo horjeedaan mabaadiโda ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taas oo meeshana ka saaraysa wadahadaladii labada dawladood u socday, isla markaana horseedaya xiisad cusubโ ayuu yiri wasiir Al-cadaala.
Taliska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidan oo kale horay dhoor jeer hub si sharci-darro ah ugu soo galiyay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxa uu ku soo xadgudbay biyaha Soomaaliya, iyadoo heshiis beenaad la galay horaantii January Madaxweynahii hore ee Soomaliland ee Waqooyiga Soomaaliya, taas uu kula kulmay waji kabax dhan kasta ah.