Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukumada Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan looga doodayey ansixinta sharciyada Xanaanada Xoolaha.
Qodobada ku darista ama ka badalka u baahan si loo meelmariyi sharciyada Xanaanada Xoolaha oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adda midowga Afrika u qaabilsan Xoolaha ayuu ku saabsanaa kulankan oo ay ka qeyb galayn masuuliyiinta Wasaaradda, xubno ka socday maamul goboleedyada iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Maxamed Cumar Nuur ayaa xusay In u jeedooyinka loo qabtay kulankan ay tahay sidii loo heli lahaa sharciyo wax ku ool ah oo ku saabsan Xanaanada Xoolaha.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Cabdirisaaq Daahir Maxamuud ayaa ka qeyb galayaasha ku dhiirigaliyay inay si cilmiyeysan uga doodaan sharcigan oo uu tilmaamay inuu muhiim u yahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.