Muqdisho-(SONNA)-Wasaarada waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah furtay kulan looga tashanaayo waxbarishada gabdhaha, dib-u-eegista barnaamijka waxbarista gabdhaha iyo barnaamijka waxbar Caruurtaada.
Wasiir ku xigeen Wasaaradda waxbarashadda, hiddaha iyo tacliinta sare Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Marwo Nuriya Addan Ciise ayaa furtay kulan looga arinsanaayay barnaamijka horumarinta waxbarashada Gabdhaha Soomaaliyeed iyo Barnaamijka waxbar Caruurtaada kaasi oo ay ka soo qeyb galeen Agaaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashadda Mudane Maxamed Caabi Xasan iyo Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Waxbarashada dowlad goboleedyada Jubbaland, Koofur galbeed, Galmudug, Hirshabelle, Heyโadda FCDO, Care International iyo deeq bixiyayaasha waxbarshada Soomaaliya.
Kulankaan ayaa warbixin looga dhageystay heyโadda Care international oo masโuul ka aheyd hirgelinta mashruuca horumarinta Waxbrashada Gabdhaha Soomaaliyeed (AGES) kaasi oo soo bilawday sanadkii 2018-kii, laguna guuleystay inuu fursad waxbarasho siiyo in ka badan 40,000, gabdhood taasi oo ah kala bar hiigsiga guud ee barnaamijka Waxbarashada gabdhaha iyo taageerida barnaamijka waxbarashada dad-ban (Non Formal Education) iyo waxbarshada Nidaamiga ah (Formal Education) sidoo kalana fursad buuxda siiyay 1000, gabdhood oo ah kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.