Muqdisho-(SONNA)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furay shirweynihii Shanaad ee Machadka cilmi baarista Soomaaliyeed ISOS.
Furitaanka shirweyna waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya Agaasimaha hiddaha iyo tacliinta sare ee Wasaaradda waxbarashda, Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, madaxda Jaamacadda Muqdisho, aqoon yahanno ka kala yimid Jaamacadaha Dalka iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Mudane; Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, ayaa bogaadiyay Jaamacadda Muqdisho oo uu sheegay in ay ka mid tahay Jaamacahadaha hormuudka ka ah Dalka.
Wasiiru Dowlaha waxbarashada Soomaaliya ayaa sidoo kale uย hambalyeeyey Agaasimaha Machadka , wuxuuna sheegay in kulanka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bahda waxbarashada Dalka.