Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Hambalyo u Dirtay Saxaafiyiinta Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Hambalyo u Dirtay Saxaafiyiinta Soomaaliyeed
GudahaWararka

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Hambalyo u Dirtay Saxaafiyiinta Soomaaliyeed

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 3, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta guud ahaan, munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda oo ku beegan maanta, 3-da May 2025.

Sanadkan Hay’adda Waxbarashada, Cilmiga iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay ( UNESCO) waxa ay halkudhig uga dhigtay xuska munnaasabaddani Saameynta Casriyaynta Warbaahinta iyo Adeegsiga Garaadka Macmalka ah ee Warbaahinta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in maalintani ay tahay fursad lagu xuso kaalinta muhiimka ah ee suxufiyiintu ku leeyihiin horumarinta bulshada, ilaalinta dimuqraadiyadda, iyo xaqiijinta daahfurnaanta.

โ€œMunaasabadda qiimaha leh ee Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda awgeed, waxaan rabaa in aan halkaan hambalyo diirran uga diro wariyayaasha kaalintooda wax ku ool ah ee nolosha bulshada, run sheegista, daahfurnaanta, iyo dimuqraadiyadda. Waxaan qirayaa in doorkiina wacyi-dhiska dadweynaha uu yahay mid muuqdo oo lagama maarmaan ah,โ€ ayuu yiri Wasiir Daaโ€™uud Aweys Jaamac.

“Halkudhigga sanadkan ee UNESCO waxa uu ka tarjumayaa horumarka casriyaynta warbaahinta iyo adeegsiga saameynta Macmalka ah, waxaa muhiim ah in iyada oo laga faa’iidaysanayo aaladaha casriga ah haddane, in ay warbaahintu kor u qaaddo hubinta wararka, ka feejignaanta marin habaabinta iyo been abuurka” ayuu ku daray Wasiir Daa’uud Aweys.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku booriyay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay door weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ka hortaga fikradaha xagjirka, xoojinta nabad dhiska, fahamsiinta dadweynaha ee saameynta ka dhalata isbeddelka cimilada, taas oo si weyn u saameysay dunida oo dhan, Soomaaliya-na ay ka mid tahay dhibbanayaasha isbeddelka cimilada deegaanka.

“Waxaa ajande weyn inoo ah taageerada iyo dhiirrigelinta warbaahinta. Ka dowlad ahaan, waxaa naga goโ€™an in aan kor u qaadno xoriyadda saxaafadda oo masโ€™uuliyad ku dheehan tahay, xoojinta tayada warbaahinteena iyo tababarada ay helaan suxufiyiinta. Waxaan aaminsanahay in wariyayaal tababaran oo wacyi ahaan dhisan ay muhiim u yihiin dowlad wanaagga iyo horumar waara oo waddankeenu gaaro,โ€ ayuu yiri Wasiirka.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay mar kale u xaqiijinaysaa suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay ka goโ€™an tahay ilaalinta xorriyadda saxaafadda, badqabka suxufiyiinta, iyo xaqa ay u leeyihiin helitaanka xogta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo warbaahinta, iyadoo la dhiirrigelinayo dhaqangelinta mabaadiโ€™da iyo anshaxa suuban ee saxaafadda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo La Dardaarmay Garsoorayaal Loo Dhaariyay inay ka shaqeeyaan Maxkamadaha Gobalka Banaadir

Muqdisho (SONNA) Khamiis, May 28, 2020 ----Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka,ย Garyaqaan Baashe Yuusf Axmed, ayaa la dardaarmay garsoorayaal la dhaariyay…

Wararka
May 28, 2020

Madaxa Hayโ€™adda SODMA oo la kulmay Madaxa Heyโ€™adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Jaban

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maaraynta Musiibooyinka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa dalka Japan kula kulmay madax sare oo…

Gudaha
June 21, 2024

Wafdi ka socda dalka Sudan oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamse Aadan Xaadoow ayaa goor-dhow garoonka diyaaradaha Ku soo dhoweeyay wafdi ka socda Dalka Sudan…

GudahaWararka
May 6, 2023

Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka

Muqdisho,( SONNA): Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee…

GudahaWararka
December 13, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023