Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Hambalyo u Dirtay Saxaafiyiinta Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Hambalyo u Dirtay Saxaafiyiinta Soomaaliyeed
GudahaWararka

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Hambalyo u Dirtay Saxaafiyiinta Soomaaliyeed

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 3, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta guud ahaan, munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda oo ku beegan maanta, 3-da May 2025.

Sanadkan Hay’adda Waxbarashada, Cilmiga iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay ( UNESCO) waxa ay halkudhig uga dhigtay xuska munnaasabaddani Saameynta Casriyaynta Warbaahinta iyo Adeegsiga Garaadka Macmalka ah ee Warbaahinta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in maalintani ay tahay fursad lagu xuso kaalinta muhiimka ah ee suxufiyiintu ku leeyihiin horumarinta bulshada, ilaalinta dimuqraadiyadda, iyo xaqiijinta daahfurnaanta.

“Munaasabadda qiimaha leh ee Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda awgeed, waxaan rabaa in aan halkaan hambalyo diirran uga diro wariyayaasha kaalintooda wax ku ool ah ee nolosha bulshada, run sheegista, daahfurnaanta, iyo dimuqraadiyadda. Waxaan qirayaa in doorkiina wacyi-dhiska dadweynaha uu yahay mid muuqdo oo lagama maarmaan ah,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.

“Halkudhigga sanadkan ee UNESCO waxa uu ka tarjumayaa horumarka casriyaynta warbaahinta iyo adeegsiga saameynta Macmalka ah, waxaa muhiim ah in iyada oo laga faa’iidaysanayo aaladaha casriga ah haddane, in ay warbaahintu kor u qaaddo hubinta wararka, ka feejignaanta marin habaabinta iyo been abuurka” ayuu ku daray Wasiir Daa’uud Aweys.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku booriyay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay door weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ka hortaga fikradaha xagjirka, xoojinta nabad dhiska, fahamsiinta dadweynaha ee saameynta ka dhalata isbeddelka cimilada, taas oo si weyn u saameysay dunida oo dhan, Soomaaliya-na ay ka mid tahay dhibbanayaasha isbeddelka cimilada deegaanka.

“Waxaa ajande weyn inoo ah taageerada iyo dhiirrigelinta warbaahinta. Ka dowlad ahaan, waxaa naga go’an in aan kor u qaadno xoriyadda saxaafadda oo mas’uuliyad ku dheehan tahay, xoojinta tayada warbaahinteena iyo tababarada ay helaan suxufiyiinta. Waxaan aaminsanahay in wariyayaal tababaran oo wacyi ahaan dhisan ay muhiim u yihiin dowlad wanaagga iyo horumar waara oo waddankeenu gaaro,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay mar kale u xaqiijinaysaa suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadda saxaafadda, badqabka suxufiyiinta, iyo xaqa ay u leeyihiin helitaanka xogta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo warbaahinta, iyadoo la dhiirrigelinayo dhaqangelinta mabaadi’da iyo anshaxa suuban ee saxaafadda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xafiiska Hantidhowrka qaranka: isku xirka heshiishyada adeegga dowladda iyo Aqoonsiga Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, isaga oo dhaqangelinaya ujeeddooyinka Sharci Lr. 9 ee 2023, Sharciga Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha, iyo…

GudahaWararka
October 2, 2025

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Nairobi-(SONNA)-Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed ee dalka…

GudahaWararka
February 20, 2025

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA SULDAAN AXMED JAAMAC XIRSI

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA SULDAAN AXMED JAAMAC XIRSI Muqdisho, Maarso 12, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed…

Wararka
March 12, 2021

Wasiirka Difaaca XFS “waa maalin kale oo farxad u ah shacabka Soomaaliyeed, jabna u ah cadowga khawaarijta ah”

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur  ayaa bogaadiyay xoreynta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, isagoo tilmaamay inay guushani farxad u…

GudahaWararka
January 17, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023