Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dalal iyo Ururro Caalami ah oo si Adag uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Somaliland
    December 27, 2025
    dowladda Ciraaq oo si adag u cambaareysay xadgudubka ay Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    December 27, 2025
    Jordan oo Sheegtay in Israa”iil  xudgudub ku samaysay madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
    December 27, 2025
    IGAD oo si Adag uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya
    December 27, 2025
    Natiijada doorashadii golaha deegaanka gobolka Banaadir oo maanta lagu dhawaaqayo
    December 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda warfaafinta oo Muqdisho ku soo gabangabeysay tababar ku saabsan la dagaalanka Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda warfaafinta oo Muqdisho ku soo gabangabeysay tababar ku saabsan la dagaalanka Khawaarijta
GudahaWararka

Wasaaradda warfaafinta oo Muqdisho ku soo gabangabeysay tababar ku saabsan la dagaalanka Khawaarijta

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: August 30, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar ku saabsan isku xirka xiriirka Warbaahinta iyo la dagaalanka fikirka khawaarijta oo u socday howlwadeeno ka socday xafiisyada Warbaahinta iyo xiriirka bulshada ee hay’adaha dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in ujeedka tababarku wasaaradda Warfaafinta u soo qaban-qaabisay uu ahaa xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dowladda ee dhinac xiriirka warbaahinta iyo bulshada si kor loogu qaado mideynta farriimaha dowladda ee ku wajahan ciribtirka kooxaha khawaarijta.

” Tababarkan waxuu muhiim u yahay isku-xirka dowladda, waxayna wasaaradda isku howshay sidii loo mideyn lahaa fariimaha loo gudbinaya shacabka Soomaaliyeed, waana mid kaalin ka qaadanaya dagaalanka khawaarijta, dhinaca wacyigalinta Diiniiga taas oo khawaarijta ka been sheegaan” ayuu yiri Agaasime Xayir.

Agaasime Xayir oo bogaadiyey Tababarayaasha bixiyay tababarka ayaa tilmaamay in aqoon isweydaarsigan ka duwanaa yahay kuwa caadiga ah, taa soo keentay in muddo dheer loo qorsheeyay si ka qeybgalayaasha u helaan waqti wanaagsan, isagoo ku booriyay ka qeyb-galayaasha in meel looga soo wadajeesto khawaarijta lana mideeya fariimaha.

Qaar kamid ah ka faa’ideystayaashii tababarka ayaa ka mahadceliyey fursadda la siiyay, tasoo ay sheegeen in loo baahnaa isku xirka xiriirka Warbaahinta si qeyb wayn looga noqdo dagaalka khawaarijta loo xoreynayo loona midoobo wacyi ahaan iyo militari ahaan.

Tababarkan oo socday muddo shan cisho ah ayaa waxaa ka faa’ideystay 50 xubnood oo ka kala socda hay’adaha dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo qaatay casharo xoojinayo xirfadleyda ka howgalla qeybaha kala duwan hay’adaha Warfaafinta dalka.

Ugu dambeyn agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdullaahi Xayi Ducaale ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay ka qeybgalayaasha tababarka ugu soo xirmay magaalada Muqdisho.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Dalal iyo Ururro Caalami ah oo si Adag uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Somaliland

Muqdisho(SONNA):-Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid ah u muujiyay diidmo adag oo…

December 27, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Danjire Jabriil oo qaabilay Arday Soomaaliyeed oo wax ka barata Kenya

Nairobi (SONNA)- Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa xarunta Safaaradda ku soo dhaweeyay arday Soomaaliyeed oo…

Wararka
September 14, 2024

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo la kulmay danjiraha Ingiriiska ee Addis Ababa

Addis Ababa (SONNA): Safiirka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka…

GudahaWararka
August 22, 2023

Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay xasuuq wadareed ka dhan ah Qowmiyadaha daga dalkaas

Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay xasuuq wadareed ka dhan ah Qowmiyadaha daga dalkaas XIGASHO ADDIS STANDARD Isticmaalka aan loo meel…

GudahaWararka
January 13, 2024

Wasiirka arrimaha dibadda oo kulan la qaatay sii hayaha safiirka China ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku…

GudahaWararka
April 17, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023