Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda warfaafinta oo bahda warbaahinta kala shirtay dhaqangalinta sharciga saxaafadda (War saxaafadeed)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda warfaafinta oo bahda warbaahinta kala shirtay dhaqangalinta sharciga saxaafadda (War saxaafadeed)
GudahaWararka

Wasaaradda warfaafinta oo bahda warbaahinta kala shirtay dhaqangalinta sharciga saxaafadda (War saxaafadeed)

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 8, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska  Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta u qabatay saxaafadda madaxa bannaan iyo ururada matala saxaafadda dalka qaarkood kulan ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa, inay dhagaystaan cabashooyinka  qaar ka mid ah saxafiyiintu ay ka muujiyeen xeerka saxaafada Soomaaliya iyo dhaqan galinta xeerka oo uu dhawaan madaxwaynaha JFS Saxiixay.
sharciga saxaafadda Soomaaliya oo uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha DFS Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” kagadaal markii ay kasoo gudubtay labada aqal ee Golayaasha  Shacabka iyo waliba Golaha Wasiirada DFS.

Kulankan waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska DFS oo uu ugu horreeyo Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) & Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala),

“ Maanta Soomaliya waxa ay leedahay sharci saxaafadeed oo dhaqangal ah kadib markii uu soo maray dhamaan geeddisocodka sharciyeed ee qasbayey in la soo mariyo, sida golaha wasiirrda, Golaha Shacabka iyo aqalka sare, iyada oo uu ugu dambeyntii sharcigan uu saxiixay Madaxweynaha dawladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”. Maanta kadib waxan ku qasbannahay ixtiraamka iyo meelmarinta sharcigan maxaa yeelay waxa uu ka midyahay shuruucda wadanka u yaalla.” ayuu wasiir Maareeye.

“Waan garan karnaa in saxaafadda qaarkeed iyo ururada matala ay cabasho ka qabaan qodobo kooban ee sharcigan ka mid ah, hayeeshee, waxaad niyadda ku degsataan in sharcigan aynu mar walba hay’adaheena sharciga ee mustaqbal aad waydiisan kartaan marka loo baahdo ee la gaaro, sidaa oo ay tahay aad ayuu uga wanaagsan yahay shuruucda saxaafadeed ee dalal badan oo qaarkood nala deris ah iyo qaar naga fog intaba .” ayuu sii raaciyey wasiir Maareeye.

Qaar ka mid masuuliyiinta iyo saxafiyiintii kulanka ka soo qeyb galay ayaa soo dhaweeyey  kulanka wasaaradana uga mahad celiyay, waxayna xuseen inay jiraan qodobo badan oo wanaagsan oo xeerka ku jira, walina ay jiraan qodobo ay cabasho ka qabaan iyo kuwa fasiraad dheeri ah ubaahan, ayna fahan sanyihiin inuu xeerku yahay xeer sharci ah oo dhaqan gal ah.

Sii hayaha wasiirka warfaafinta ayaa bahda saxaafadda u xaqiijiyay sida wasaarada iyo dowladdu ugu taagan yihiin inay difaacaan xuquuqda saxaafada, isla markaana wixii dhib ku ah ay ka ilaaliso taasina ay waajib ku tahay.

Kadib wasiirku wuxuu saxaafada ubandhigay inay wasaarada ka go’an tahay inay tixgaliso cabashooyinka ay qabaan, isla markaana raadiso xalka ugu fiican ee lagu xalin karo cabashooyin kooda. Sidaas daraadeedna wuxuu wasiirku usheegay inay iska soo saaraan guddi kooban oo kala shaqeeya wasaarada sidii looga wada hadli lahaa qodobada ay cabashada ka qabaan iyo xal u helistooda.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi dagan oo is afgarad ah, wasaarada ayaa qorshaynaysa inay maalmaha soo socda la kulanto bulshada rayidka ah, si ay iyagana udhagaysato dareen kooda maadaama ay qayb ka yihiin dhinacyada la rabo inay dhaqan galiyaan xeerka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuc ku saabsan horumarinta Caafimaadka Hooyadda iyo Dhallaanka

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Cafimaadka iyo daryeelka bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc…

GudahaWararka
June 18, 2023

Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay xubno ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA(:-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta. labaddan xubnood ayey…

GudahaWararka
August 20, 2025

SHIRKA 2-AAD EE GOLAHA MAAREEYNTA IYO HORUMARINTA KALLUUMEYSIGA OO KA FURMAY KISMAAYO

Kismaayo-(SONNA)-Shirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federaalka…

GudahaWararka
February 20, 2024

Maamulka Hirshabeelle oo xalliyay caqabadihii hortaagnaa maamul u sameynta Buulo-Burde

Buuilo-Burde.(SONNA)...Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Axmed Bariise Xeydar ayaa sheegay in lagu guuleystay xal u helidda…

Wararka
January 14, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023