Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda warfaafinta oo bahda warbaahinta kala shirtay dhaqangalinta sharciga saxaafadda (War saxaafadeed)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda warfaafinta oo bahda warbaahinta kala shirtay dhaqangalinta sharciga saxaafadda (War saxaafadeed)
GudahaWararka

Wasaaradda warfaafinta oo bahda warbaahinta kala shirtay dhaqangalinta sharciga saxaafadda (War saxaafadeed)

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 8, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska  Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta u qabatay saxaafadda madaxa bannaan iyo ururada matala saxaafadda dalka qaarkood kulan ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa, inay dhagaystaan cabashooyinka  qaar ka mid ah saxafiyiintu ay ka muujiyeen xeerka saxaafada Soomaaliya iyo dhaqan galinta xeerka oo uu dhawaan madaxwaynaha JFS Saxiixay.
sharciga saxaafadda Soomaaliya oo uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha DFS Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” kagadaal markii ay kasoo gudubtay labada aqal ee Golayaasha  Shacabka iyo waliba Golaha Wasiirada DFS.

Kulankan waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska DFS oo uu ugu horreeyo Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) & Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala),

“ Maanta Soomaliya waxa ay leedahay sharci saxaafadeed oo dhaqangal ah kadib markii uu soo maray dhamaan geeddisocodka sharciyeed ee qasbayey in la soo mariyo, sida golaha wasiirrda, Golaha Shacabka iyo aqalka sare, iyada oo uu ugu dambeyntii sharcigan uu saxiixay Madaxweynaha dawladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”. Maanta kadib waxan ku qasbannahay ixtiraamka iyo meelmarinta sharcigan maxaa yeelay waxa uu ka midyahay shuruucda wadanka u yaalla.” ayuu wasiir Maareeye.

“Waan garan karnaa in saxaafadda qaarkeed iyo ururada matala ay cabasho ka qabaan qodobo kooban ee sharcigan ka mid ah, hayeeshee, waxaad niyadda ku degsataan in sharcigan aynu mar walba hay’adaheena sharciga ee mustaqbal aad waydiisan kartaan marka loo baahdo ee la gaaro, sidaa oo ay tahay aad ayuu uga wanaagsan yahay shuruucda saxaafadeed ee dalal badan oo qaarkood nala deris ah iyo qaar naga fog intaba .” ayuu sii raaciyey wasiir Maareeye.

Qaar ka mid masuuliyiinta iyo saxafiyiintii kulanka ka soo qeyb galay ayaa soo dhaweeyey  kulanka wasaaradana uga mahad celiyay, waxayna xuseen inay jiraan qodobo badan oo wanaagsan oo xeerka ku jira, walina ay jiraan qodobo ay cabasho ka qabaan iyo kuwa fasiraad dheeri ah ubaahan, ayna fahan sanyihiin inuu xeerku yahay xeer sharci ah oo dhaqan gal ah.

Sii hayaha wasiirka warfaafinta ayaa bahda saxaafadda u xaqiijiyay sida wasaarada iyo dowladdu ugu taagan yihiin inay difaacaan xuquuqda saxaafada, isla markaana wixii dhib ku ah ay ka ilaaliso taasina ay waajib ku tahay.

Kadib wasiirku wuxuu saxaafada ubandhigay inay wasaarada ka go’an tahay inay tixgaliso cabashooyinka ay qabaan, isla markaana raadiso xalka ugu fiican ee lagu xalin karo cabashooyin kooda. Sidaas daraadeedna wuxuu wasiirku usheegay inay iska soo saaraan guddi kooban oo kala shaqeeya wasaarada sidii looga wada hadli lahaa qodobada ay cabashada ka qabaan iyo xal u helistooda.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi dagan oo is afgarad ah, wasaarada ayaa qorshaynaysa inay maalmaha soo socda la kulanto bulshada rayidka ah, si ay iyagana udhagaysato dareen kooda maadaama ay qayb ka yihiin dhinacyada la rabo inay dhaqan galiyaan xeerka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xafiiska SOMINVEST ee Wasaaradda Qorsheynta XFS oo ku biiray Ururka Hey’adaha Dhiirigelinta Maalgashiga Adduunka.

MUQDISHO-(SONNA)-Xafiiska Dhiirigelinta maalgashiga Soomaaliya ee SOMINVEST, oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS, ayaa ku biiray…

GudahaWararka
November 14, 2020

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir looga hadlayo waxtarka horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah

Seoul-(SONNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamed Shire ayaa ka qeybgalay Madasha Busan ee Iskaashiga…

GudahaWararka
October 1, 2025

Dowladda Soomaaliya oo dowladda Talyaaniga kala wareegtay gargaar loogu talagalay dadka ku barakacay dagaalada laasacaanood.

Muqdisho-(SONNA)-Wasiir ku xigeen wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Isaaq Maxamuud Mursal ayaa safiirka ku…

GudahaWararka
July 29, 2023

Ra’isul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray waddada Taleex oo dib u dhis lagu sameeyay

Muqdisho-(SONNA)-Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabi Bare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale)…

GudahaWararka
October 4, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023