Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasaaradda Warfaafinta Oo 20-ka Bishan Daah Furaysa Tartan Dalxiis Oo Guud Ahaan Dalka Oo Dhan Ah “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasaaradda Warfaafinta Oo 20-ka Bishan Daah Furaysa Tartan Dalxiis Oo Guud Ahaan Dalka Oo Dhan Ah “SAWIRRO”
Wararka

Wasaaradda Warfaafinta Oo 20-ka Bishan Daah Furaysa Tartan Dalxiis Oo Guud Ahaan Dalka Oo Dhan Ah “SAWIRRO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 8, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Farxiyo Samaan Maxamed ayaa ku dhawaaqday in 20 ka bishaan ay Wasaaraddu daah fureyso tartan dalxiis oo u dhexeeya Degmooyinka dalka, kuwaasi oo lagu soo bandhigayo quruxda iyo horumarka ka muuqda degmooyinka gobollada dalka.

Marwo Farxiya ayaa sheegtay in maalmahan ay socdeen tartamo ay soo bandhigayeen quruxda qaar ka mid ay degmooyinka Gobolka Banaadir iyo gobollada qaar, kuwaasi oo lagu muujinayay inay yihiin goobo ku haboon dalxiiska.

“Waaxda Dalxiiska ee Wasaarada Warfaafinta waxa ay qorsheysay tartan dalxiis oo guud oo dalka oo dhan ah, madaama aan heysano dal qurux badan, Xeeb dheer, goobo taariikhi ah oo aad loogu xusi karo dalxiiska, sidaa daraadeed Waaxda Dalxiiska waxa ay soo jeedineysa in 20-ka July la daah furi doono tartanka” ayay tiri Agaasime Farxiya Samaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha Wasaaradda ee ku aadan qabashada tartan dalxiis oo loo qabanayo degmooyinka Gobollada dalka.

“Wasaaradda Warfaafinta iyada oo ka duuleysa ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay soo nooleynta Dalxiiska oo ah qeyb weyn oo hadda runtii sida loogu talagalay aan u shaqeyn, isla markaana gudaneysa waajibaadka ka saaran inay la tartanto Dunida oo dalxiiska hadda ka noqday kaabayaasha koowaad ee dhaqaalaha “ ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Wasaaraddu ay waddo dadaal ku aadan in indhaha caalamka la tuso in Soomaaliya ay tahay meel ku wanaagsan oo loo soo dalxiis tegi karo, maadaaa dalku leeyahay goobo ku wanaagsan dalxiiska iyo dhanka cimilada, lana dhiiri gelin doono dhallinyarada muujiyay baahida loo qabo in la helo goobo dalxiis.

“Waxaan Dhawaan Wasaaraddu ay qaban doontaa kulan balaaran oo lagu daah furayo markii ugu horeysay in la asteeyo goobaha dalxiis ee wadanku uu yeelanayo, anago rajeyneyno in taasi ay sahli doonto in qofka Soomaaliga ah ee rabo in degmo ka degmo uu u safro ama qofka Ajnabiga ah ee rabo in Soomaaliya uu u soo safro in uu heli karo meeqo goobood oo dalxiis ayaa ka jirta Soomaaliya” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa ku daray in 20-ka bishan la soo bandhigi doono qorshaha asteynta goobaha dalxiiska ee dalka.

Agaasime Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa ku wargeliyay saamileyda Dalxiiska iyo dadka daneeya arrimaha dalxiiska inay la soo xiriiri doonaan madaxda Wasaaradda, lana tixgelin doono tallooyinkooda ku aadan horumarinta dalxiiska dalka.

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo hakiyey Kireyntii iyo dib u hawl-galinta maqaaxida Tiyaatarka Qaranka.

Muqdisho…SONNA…Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawlgelinta…

GudahaWararka
August 30, 2021

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xaaladda gobolka kala hadlay Ergeyga midowga Yurub

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowyga Yurub  Marwo…

GudahaWararka
January 11, 2024

Ciidanka deegaanka oo shabeellaha dhexe ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

Shabeellaha dhexe(SONNA):-Ciidanka xaq u dirirka deegaanka ee Macaawisleyda ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Guullane ee gobolka Shabeellaha…

GudahaWararka
July 3, 2025

Gollaha u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada dalka ee Waxbarashada oo ku tallaabsaday guulo dhinaca Waxbarashada Soomaaliya ah

SONNA (MUQDISHO)- Golahau dhexeeya Maamul-goboleedyada iyo dowladda dhexe ee waxbarashada oo ka kooban dowladda federaalka ah, Maamulada xubnaha ka ah…

GudahaWararka
December 18, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023