Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’uus Aweys Jaamac ayaa sheegay in Jaamacadda Muqdisho iyo wasaaraddu ay yeelan doonaan wada shaqayn ballaaran oo ku aaddan horumarinta dalxiiska, wacyigelinta, warbaahinta iyo adeegyada kala duwan ee ay bulshadu u baahan tahay.
“Jaamacadda Muqdisho iyo Wasaaradda Warfaafinta waxay yeelan doonaan wadashaqeyn ku saabsan horumarinta dalxiiska, wacyigelinta, warbaahinta iyo adeegyada kala duwan ee bulshadu u baahan tahay,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Wasiirka Warfaafinta oo xarunta Wasaaradda kulan kula yeeshay guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal ayaa sheegay in mowduucyada ay ka wada hadleen isaga iyo guddoomiyaha Jaamacadda ay wax weyn ka tari doonaan siyaasadda dowladda, gaar ahaan arrimaha dalxiiska oo ah mid laga samayn karo dhaqaale ballaaran.
Wasiirka ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale.