Muqdisho (SONNA): Wasaaradda arrimaha Qoyska iyo horumarinta Xaquuqul Insaanka oo kaashanaysa ururka Haweenka gobalka Banaadir, ururada Bulshada Rayidka iyo Haweenka Siyaasiyiinta ayaa maanta Muqdisho ku qabtay kulan laga soo saaray baaq Nabaadeed oo ay udirayaan Dhinacyada ku dagaallamaya qeybo ka mid ah dalka, kasoo khasaaro ka soo gaaray labada dhinac ee walalaha ah.
Haweenka ayaa farriintooda ku salleeyay muhiimadda Nabadda iyo degganaashiyaha leedahay, in waqtigaan dhiig muwaadin Soomaaliyeed micno darro loo daadiyo aysan habbooneyn, sidoo kale waxey carrabka ku adkeeyn in ay ka go’an tahay daddaal walbo lagu damin karo colaadda ay kaalintooda ka gaysan doonaan.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Marwo Xanaan Cabdiasiid Barre ayaa sheegtay in farriinta Wasaaradda iyo Hawenka qeybahooda kala duwan ay caddahay, islamarkaana xoojinno sidii aan u joojin lahayn dhiigga la daadanayo ee ku dhimanayo wiilasha dhalnay, kuwa nala dhalashay iyo caruurteenna.