MUQDISHO-(SONNA)-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda federaalka ayaa ayaa fartay hey’addaha gargaarka iyo kuwa horumarinta ee mashaariicda ka fulinaya dalkeenna inay si buuxda ugu soo wada guuraan dalka laga bilaabo (30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023, Iyada oo la tixgelinayo xaalada amni ee waddanka oo soo hagaageysa kaddib howlgalada guuleystay ee ka dhanka ah Argagixisada.
Bayaanka ka soo baxay wasaaradda Qorsheynta ee maanta ku taariikheysan ayaa lagu yiri” Wasaaradda Qorsheynta waxay heegan u tahay inay hey’adahaas ka caawiso, una fududeyso inay dalka u soo guuraan, wasaaradda oo fulineysa amarrada golaha wasiiradda ayaa wasaaarddu tallaabada ku haboon ka qaadi doonta hey’adaha fulin waaya amarkan, si deg deg ahna dalka ugu soo guuri waaya”