Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa maanta qabatay kulan muhiim ah oo lagu dardargelinayo gurmadka abaaraha ka jira qeybo badan oo dalka ah. Kulanka waxaa guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene).
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Hay’adda SoDMA.
Shirka waxaa diiradda lagu saaray in si degdeg ah loogu gurmado dadka ay abaartu saameysay, in la mideeyo howlaha gurmadka ee dowladda, in la yareeyo khatarta dhimashada iyo khasaaraha, iyo in la falanqeeyo sababaha abaarta oo ay ugu weyn tahay roobabkii Gu’ga iyo Dayrta oo aan ka di’in inta badan gobollada dalka.
