Muqdisho (SONNA): Wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay dardargellinta oorshaha isbedelka Qaran (QIQ: 2025-2029).
Kulankan waxaa ka soo qeyb galay deeq-bixiyeyaasha caalamka, hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay, iyo Hayโadaha caalamiga ah iyadoo diiradda la saaray sidii loo mideyn lahaa dadaallada horumarineed ee Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda qorsheynta, Maalgashiga iyo houmarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaab Sheekh Faarax (Beenebeene), oo kulanka furay ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee lagu taageerayo horumarka Soomaaliya. Kulanka waxaa sidoo kale looga dooday guulihii laga gaaray Qorshihii Sagaalaad ee Horumarinta Qaranka (NDP9), iyo aragtida iyo himilooyinka cusub ee Qorshaha Isbedelka Qaran.
Kulanka ayaa lagu soo afmeeray in la xoojiyo wada-shaqeynta si loo gaaro yoolalka Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025-2029) iyo horumar waara oo Soomaaliya ay ku tallaabsato.